Waxa la sheegayaa inay ahayd kulankiisii ugu dambeeyey, balse go’aankiisa waxa la gaadhay toddobaadkii hore oo ay ahayd in saxaafadda lala wadaago warqadda lagaga caydhinayo, hase yeeshee waxa maalmo cimriga usii dheereeyey barbarrihii lama filaanka ahaa ee qaybta dambe ay la galeen Manchester City.
Tababaraha kooxda kubadda cagta Everton ee Frank Lampard ayaa la sheegay in go’aan kama dambays ah laga gaadhay oo ay tirsan yihiin saacadaha uu sii ahaanayo macallinka kooxdaas, kaddib markii ay Brighton & Hove Albion xalay kusoo xasuuqday 4-1.
Everton oo joogta garoonkeeda Goodison Park ayaa afar gool oo daran-doorri ah la isku raaciyey waxaanay oso bandhigeen mid ka mid ah ciyaarihii ugu liitay ee muddo dheer lagu arko Toffees.
Roberto Di Zerbi ayaa saddex gool u dabbaal-degay toddoba daqiiqadood gudahood, halka Frank Lampard uu dib ugu fadhiyey kursigiisa isaga oo garan la’ wax uu sameeyo.
Toddobaadkii hore ayaa la sheegay in la gaadhay go’aanka Lampard balse Man City oo uu barbarro la galay ayaa waqtiga usii dheeraysay ka hor intii aanay Brighton rajadiisii sii joogista burburin.
Wargeysyada waaweyn ee Ingiriiska ayaa maanta daabacay in Frank Lampard ay ahayd ciyaartiisii ugu dambaysay ee Everton uu layliyo, iyadoo durba ay soo baxeen magacyada tababareyaasha ay Everton u kala dooranayso beddelka Lampard.
Wayne Rooney oo hore 12 bilood ka hor lala xidhiidhiyey inuu noqonayo tababaraha Everton markii ay kooxdu eriday Rafa Benitez, ayaa ah dookha koowaad, waxaase iyaguna ku jira liiska macallimiinta Sean Dyche oo Burnley ay shaqada ka eriday iyo tababarihii xulka Belgium ee Roberto Martinez oo hore u laylin jiray Everton.