Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

BYE…BYE: Laba Xiddig Oo Shandaddooda Ka Xidhxidhay Liverpool & Riyadii Steven Gerrard Ee Anfield Oo Kusoo Dhamaatay Fashil

by Abdiwahab Ahmed
November 27, 2022
0
BYE…BYE: Laba Xiddig Oo Shandaddooda Ka Xidhxidhay Liverpool & Riyadii Steven Gerrard Ee Anfield Oo Kusoo Dhamaatay Fashil

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa isbeddel ku samaysay qorshaheeda ku aaddan xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita oo ay hore iskugu dayaysay inay heshiis cusub ka saxeexdo, si uu usii joogo Anfield iyadoo heshiiskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan socda.

ADVERTISEMENT

Liverpool ayaa joojisay wada-hadalladii ay kula jirtay laacibkan, kaddib markii ay isku afgaran waayeen shuruudaha uu laacibkani ku xidhay saxeexa qandaraas cusub, waxaana Jurgen Klopp iyo maamulka Reds ay go’aan ku gaadheen inay faraha ka laabtaan wada-hadalka oo ay u ogolaadaan Keita inuu si xor ah ku tago.

Kubbad-sameeyahan dhaawacu daashaday oo sannadkii 2018 ay kasoo iibsadeen RB Salzburg, ayaa waxa waqtigii ay Liverpool iibsatay waxa uu noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda, waxaana garanka No.8 ku wareejiyey Steven Gerrard oo ku tilmaamay inuu booskiisii u buuxin doono kooxda.

Sida uu xaqiijiyey wariyaha ee Fabrizio Romano, Naby Keita oo kasoo kabanaya dhaawac uu qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan u jiifay ayaa waxa uu bisha January xor u noqon doonaa inuu la xaajoodo kooxda uu doono, iyadoo Jurgen Klopp uu quus ka istaagay.

“Liverpool waxay doonaysaa inay la saxeexato ciyaartooyo khadka dhexe ah, sababtoo ah waxa la ii sheegay inuu ka tegayo Oxlade-Chamberlain dhamaadka xilli ciyaareedka. Waxa kale oo jirta fursad aad u sarraysa oo Naby Keita uu si xor ah ugaga tegayo.” Ayuu yidhi Fabrizio Romano.

Ka sokow Naby Keita, waxa kale oo Liverpool si xor ah uga tegi doona xiddiga khadka dhexe ee Oxlade-Chamberlain oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan socda.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

February 7, 2023
Share356Tweet223
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester City aya isku-diyaarinaysa inay dagaal toos ah la gasho Premier League, kaddib markii lagu eedeeyey in ay 115 jeer...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.