Xulka Brazil ayaa si raaxo leh ku tagay wareega sideed dhamaadka Koobka Adduunka ka dib markii ay xasuuqeen xulka South Korea oo ay 4-1 ku garaaceen.
Goolal ka kala yimid Neymar, Richarlison, Vinicius Jr iyo Paqueta ayay Brazil ku tuntay South Korea iyagoo wareega sideed dhamaadka la balansan xulka Croatia oo rigoore uga soo gudbay Japan.
Brazil waxay ku qaadatay kaliya 7 daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii kubad uu soo dhigay Neymar uu koontaroolay Vinicius Jr kaasoo si aayar ah shabaqa u toogtay.
Lix daqiiqo ka dib Brazil waxaa loo dhigay rigoore iyadoo uu u soo istaagay xiddiga dhaawaca ka soo kacay e Neymar kaasoo si sahlan kubada u dabamariyay goolhayaha South Korea, waxayna aheyd goolkiisii ugu horeysay ee Koobka Adduunka.
Goolasha halkaas kuma joogsan, Brazil gool seddexaad ayay heshay daqiiqadii 29aad markii Richarlison uu kubad madax ku koontaroolay islamarkaana uu u dhiibtay Thiago Silva kaasoo si fiican ugu dhex bixiyay ka hor inta uusan weeraryahanka Tottenham shabaqa soo taabanin.
Richarlison ayaa ku riyaaqaya Koobka Adduunka isagoo durbaba seddex gool u dhaliyay xulka Brazil.
Daqiiqadii 36aad Brazil ayaa heshay goolkii afaraad, waxaa markaas kubada soo dhigay Vinicius Jr iyadoo uu dhaliyay Paqueta, labadii laacib hore ee Flamengo ayaana gool isku dhiibay.
Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay Brazil oo ciyaarta afar gool iyo waxba ku hogaamineysa.
60kii sannadood e ugu danbeysay kaliya hal xul ayaa afar gool dhaliyay qeybta hore ee kulan ka tirsan wareegyada kala baxa Koobka Adduunka. Waxay aheyd Jarmalka sannadkii 2014kii kulankii semi-finalka ee ay 7-1 kaga badiyeen Brazil.
South Korea ayaa u muuqatay mid niyadjabtay mana jirin wax ay ka sameyn kareen natiijada ciyaarta. Laakiin hadana waxay qeybtii labaad abuureen fursado iyadoo goolhaye Alisson uu kubado halis ah ka badbaadiyay.
Daqiiqadii 76aad ayay South Korea gool soo ceshatay ka dib laad xor ah oo loo dhigay. Kubadii laadka xorta ahaa oo Brazil ay iska soo saartay ayaa waxaa darbo gantaal aad u qurux badan ku dhaliyay Paik Seung-ho Waxa uu ahaa goolkii ugu fiicnaa ee caawa la dhaliyay.
Madaama ay Brazil natiijada mar hore meel sii dhigatay tababare Tite ayaa fursad siiyay xiddigaha aan weli ciyaarin Koobka Adduunka isagoo xitaa bedelay goolhaye Alisson daqiiqadii 80aad kuna bedelay goolhayaha seddexaad Weverton.
Wuxuu sidoo kale soo geliyay qeybtii labaad Dani Alves, Rodrygo, Gabriel Martinelli iyo Bremen isagoo bixiyay Militao, Danilo, Vinicius Jr iyo Neymar. Waxay tani la micno tahay in xiddig walba oo xulka Brazil ah inuu daqiiqado ka ciyaaray Koobka Adduunka.
Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 4-1 oo Brazil ku garaacday South Korea, waxayna wareega sideed dhamaadka isku arkayaan xulka Croatia, iyadoo semi-finalka ay isku aadan yihiin midkood Netherlands ama Argentina tii soo baxda.