Xulka qaranka Brazil ayaa iska xaadiriyey wareegga 16ka Koobka Adduunka, kaddib maarkii ay guul cidhiidhi ah ka gaadheen Switzerland oo ay waqti dambe kaga takhaluseen gool madi ah oo uu u dhaliyey xiddiga khadka dhexe ee Casemiro.
Darbad xooggan oo uu Casemiro lugta midig ku toogtay goolka isaga oo ku sugan xerada ganaaxa xilli dhamaadka ciyaarta toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay ayaa Brazil uu ugu diray wareegga labaad ee Koobka Adduunka iyadoo ay u hadhsan tahay hal ciyaar oo ay la dheeli doonaan Ghana.
Brazil oo ay hadhaysay hadal-haynta dhaawaca Neymar oo ka maqnaa kulankan ayaa sidoo kale heshay gool uu u dhaliyey Vincius Junior oo ay VAR ka diiday, kaddib markii la xaqiijiyey inuu jiray offside xilligii kubadda laga soo tuurayay difaaca.
Fursado waaweyn ayay Brazil iska lumisay labadii qaybood ee ciyaarta, waxaana 45kii daqiiqadood ee hore min laba fursadood khasaariyey Vinicius Junior iyo Raphinha, xulka qaranka Switzerland uu la degay Rodriguez oo shabaqa la seegay kubbad ay ahayd inuu kaliya dhaafiyo goolhaye Alisson Becker.
Widmer iyo Fred ayaa sameeyey isku-dayo ay goolal ku dhalinayaan markii lagu soo noqday qaybta labaad, hase yeeshee Vinicius Junior ayaa kubbad uu orod kagala soo gelay garabka bidix oo uu shaqo badan ka qabtay waxa si dhib badan ku joojiyey Akanji iyo saaxiibbadiisa difaaca ee Switzerland.
Daqiiqaddii 64aad ayay Brazil jabisay derbiga difaaca ee Switzerland, waxaana kubbad uu meel fog kasoo tuuray Casemiro difaaca ka daba baxay Vinicius Junior oo kasii gujiyey Widmer, waxaanu ula tegay goolhaye Sommer oo uu dhinac ka dhigay.
Brazil ayaa si weyn ugu dabbaal-degtay goolkan, hase yeeshee garsooraha ayaa ku wargeliyey in VAR ay lasoo hadashay oo la hubinayo goolka, muddo kaddibna waxa loo sheegay in Richarlison uu ku jireen offside ka hor intii aanu Casemiro kubadda soo tuurin.
GOOOOAAAALLL!!! Brazil ayaa xaqiijisatay guusha. Casemiro ayaa darbad xooggan ku hubsaday shabaqa uu ilaalinayay goolhaye Sommer. Kubbad uu dhinaca bidix ka keenay Vinicius Junior, ayaa waxa uu u dhiibay Rodrygo oo isaguna usii gudbiyey Casemiro oo isaga oo aan qabanin darbad ku toogtay goolka, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 1-0.
Switzerland ayaan helin fursad ay kaga daba yimaaddaan goolkan, sababta oo ah waxa kaliya ka hadhsanaa dhamaadka ciyaarta toddoba daqiiqadood, sidoo kalena waxay ahayd xilli ay dhamaad noqotay tamartoodu oo ay u dhowaayeen inay is-dhiibaan.
Rodrygo Goes ayaa khasaariyey laba fursadood oo dahabi ahaa daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, waxaana midkood uu dul-mariyey goolka oo tallaabooyin u jiray, halka kubadda kalena oo uu ka laaday xerada ganaaxana ay kaga dhacday difaaca Switzerland.
Gabriel Jesus ayaa firfircooni badan samaynayay, balse ma helin nasiib uu ku dhamaystiro kubbadihii uu helay, ciyaartuna waxay kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Brazil.
Guushan Brazil ayaa soo afjartay inkaar ka haysata Switzerland marka ay iskugu yimaaddaan Koobka Adduunka, waxaanay u ahayd markii koowaad ee Brazil ay ka adkaato dalkan kulan ka tirsan Koobka Adduunka. Sannadkii 1950kii ayay Brazil iyo Switzerland ku kulmeen Koobka Adduunka, waxaanay ku kala baxeen barbarro 2-2 ah. Sidoo kale 2018 ayay Koobkii Adduunka isku group noqdeen, waxaanay mar kale ku dhamaysteen barbarro 1-1 ah.