Brazil Oo Cashar U Dhigtay Ghana, Mohamed Salah Oo Guul Weyn Ku Hoggaamiyey Masar Iyo Natiijooyinka Kulamadii Saaxiibtinimo Ee Maanta Iyo Caawa

Xulka qaranka Brazil ayaa magaalada Paris ku burburiyey Ghana oo ka mid ah dalalka qaaradda Afrika uga qayb-gelaya Koobka Adduunka oo ay kulan saaxiibtinimo oo ay isku haleeleen, waxaanay ku garaaceen 3-0 iyadoo saddexda goolba ay Brazil la timid qaybtii hore.

Weeraryahanka Tottenham ee Richarlison ayaa laba gool oo daran-doorri ah u dhaliyey Brazil oo bilowgii ciyaartana uu Marquinhos madax hoggaanka ugu dhiibay, waxaana si fudud libinta guushan ku helay Brazil oo inta badan iskaga daansha-daanshoonayay garoonka Le Havre.

Daqiiqaddii sagaalaad ee bilowga ciyaarta ayaa koorne uu soo qaaday Raphinha waxa madax awood badan ku dhaliyey Marquinhos iyadoo la moodayay in difaacyahannada Ghana ay daawadeyaal ka ahaayeen kubadda oo aanay cidina isku dayin in ay joojiyo.

Advertisements

Goolkan ayaa waxa ka  horreeyey dhawr dabarood oo ay Brazil goolka la seegtay, gaar ahaan Richarlison oo goolka horteeda uu ka helay kubbad uu Paqueta uga soo dhigay dhinaca midig daqiiqaddii 2aad iyo Vinicius Junior oo isaguna hadiyad uu bixiyey uu Paqueta birta dhinac mariyey.

Ghana oo ay kubaddeedu kala daadsanayd qaybta hore ayaan la imanin difaac iyo weerar midna, waxaana kubbad kasta oo lugtooda gasha ay si fudud ugu wareejinayeen ciyaartoyda Brazil oo iyaguna isku dhiibayay baas iyo weerar aan joogsi lahayn.

Brazil Richarlison

Richarlison ayaa hoggaanka usii dheereeyey Brazil daqiiqaddii 28aad, markaas oo kubbad uu ka dhex qabsaday laba difaac uu meel fog kaga toogtay iyadoo kubaddu dhulka socota, waxaanay shabaqa ka haleeshay dhinaca midig ee goolhaye Joe Wollacott oo u muuqanayay in aanu filaynin in kubbad sidaas oo kale ah lagu soo tooganayo.

Kubaddan ayaa waxa khadka dhexe kasoo naqshadeeyey Neymar oo hal-abuure ka ahaa ciyaarta, iskana illoobay goolal raadinta, inkasta oo ay xaqiiqadu tahay in uu saddex gool oo kaliya u jiro in uu jabiyo rikoodhkii gool-dhalinta xulka qaranka ee Pele.

Iyadoo Ghana raadinaysa gool ay iska soo beddo ayaa waxa gool saddexaad oo madax fog ah ka dhaliyey Richarlison oo madax raaciyey kubbad uu Neymar soo qaaday.

Qaybtii labaad ayay Ghana isasoo canaanatay, waxaanay xoojisay khadkeeda dhexe iyada oo difaacyahanneeduna feejignaan ku ciyaarayeen, hase yeeshee Neymar ayaa waqti dambe u dhowaaday in uu shabaqooda soo taabto oo uu isku qoro diiwaanka goolasha, waxayse ciyaartu kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Brazil.

Dhinaca kale, xulka qaranka Masar ayaa 3-0 ku jiidhay Niger oo marti ugu ahayd garoonka Borg El Arab Stadium, waxaana laba gool oo midkood rikoodhe ahaa dhaliyey Mohamed Salah, halka midka kalena uu ku daray M. Mohamed.

Natiijooyinka kulamadii kale ee saaxiibtinimo ee maanta iyo caawa

Advertisements

Cameroon 0 -2 Uzbekistan

South Korea 2 -2 Costa Rica

Japan 2 0- USA

Iran 1-0 Uruguay

Paraguay 1-0 United Arab Emirates

Qatar 0-2 Canada

Egypt 3-0 Niger

Saudi Arabia 0-0 Ecuador

 

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada