Weeraryahanka qaabka amaahda ah kula jooga kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa qirtay inuu mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly kala hadlay wax ku saabsan tababarihii hore ee Thomas Tuchel.
Lukaku ayaa waraysi cusub oo uu haatan bixiyay waxbadan kaga hadlay waxaana kamid ah inuusan doonayn inuu ku laabto Stamford Bridge oo uu amaah kaga maqan yahay.
Romelu oo Sky Italia la hadlay ayaa sheegay inuu mulkiile Boehly go’aansaday inuu fasaxo markii uu u sheegay waxa uu ka aaminsan yahay tababare Tuchel oo ay isku dhaceen wakhtigii ay kooxda wada joogeen.
“Boehly wuxuu go’aansaday inuu bixitaan ii ogolaado markii aan runta oo dhan uga sheegay xidhiidhka igala dhaxeeya Tuchel” ayuu yidhi Big Rom.
“Wuxuu ahaa wada sheekaysi fiican, waxaan dhinacayga uga sheegay wixii dhacay kaddib waxaan helay fursad aan Inter ugu laabto Boehly-na albaabka ayuu ii furay”.
Dhaawac muruqa ah ayaa saameeyay Lukaku ku laabashadiisa Inter Milan isagoo ilaa haatan kaliya afar kulan oo uu hal gool iyo hal caawin ku sameeyay kasoo muuqday.
Lukaku oo si cad u sheegay rabitaankiisa inuu joogo Inter ayaa markale yidhi “Qofkasta wuu ogyahay waxaan doonayo. Waxaan rajaynayaa inaan Inter Milan joogo waananu la hadli doonaa Chelsea si aanu xal u raadino”