Benzema, Vinicius Iyo Asensio Oo JARJARAY Barcelona Kaddib Guuldarradii Bayern & Ficilkay Sameeyeen

Xiddigaha kooxda Real Madrid ee kala ah Vinicius Jr, Karim Benzema iyo Marco Asensio ayaa ku digtay kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona kaddib guuldarradii xalay markale kasoo gaadhay Bayern Munich.

Barca oo doonaysa inay iska maydho taariikhda madaw ee ay Bayern ka haysato sanadahan ugu dambeeyay ayaa markale 2-0 lagaga soo adkaaday iyadoo goolasha kooxda ree Germany ka yimaadeen Lucas Hernandez iyo Leroy Sane.

Real Madrid ayaa kusoo raaxaysatay Barcelona oo kaga gacan sarreysay Yurub tobbankii sano ee ugu dambeeyay, Barca ayaa 2015 kusoo guuleysatay Champions League markeedii ugu dambaysay halka ay Los Blancos afar jeer hanteen kaliya intaas wixii ka dambeeyay.

Advertisements

Madrid ayaa ah kooxda haatan difaacanaysa tartanka iyagoo sanadkii hore kusoo guuleystay kaddib markii ay isku mareen PSG, Chelsea, Man City iyo Liverpool iyadoo Vinicius Jr dhaliyay goolka madiga ah ee ay Finalkii guusha ku gaadheen.

Si kastaba, dhaqdhaqaaqa ay sameeyeen Vini, Benzema iyo Asensio ayaa ah in isla markii xalay uu dhammaaday kulankii Barcelona looga adkaaday ay qaybta “Story-ga” ee akoonadooda “Instagram” soo dhigeen sawiro muujinaya inay ku maadsanayaan.

Vinicius ayaa soo dhigay sawir uu la qoslayo xiddigaha kale ee kooxdiisa, Benzema ayaa soo dhigay isaga oo Champions League haysta halka Asensio uu soo dhigay gool uu ka dhaliyay isla Bayern dhawr sano kahor.

Halkan Kaga Boggo Sawirrada

Advertisements

Image

Image

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada