Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Benzema Iyo Modric Oo Ka Mid Noqday AFAR Ciyaartoy Oo Ay Real Madrid U Ogolaatay Inay Go’aaan Ka Gaadhaan Mustaqbalkooda

by Abdiwahab Ahmed
January 24, 2023
0
Benzema Iyo Modric Oo Ka Mid Noqday AFAR Ciyaartoy Oo Ay Real Madrid U Ogolaatay Inay Go’aaan Ka Gaadhaan Mustaqbalkooda

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay xorriyad u siisay afara ka mid ah ciyaartoydeeda inay doortaan inay sii joogaan Santiago Bernabeu dhamaadka xilli ciyaareedkan iyo inay iska tagaan, iyadoo Florentino Perez uu go’aansaday in aanu wax cadaadis ah ku saarin in ay heshiisyo cusub saxeexaan.

ADVERTISEMENT

Real Madrid ayay tiro ciyaartoydeeda ah xor noqon doonaan marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan, balse ma doonayaan inay lumiyaan kuwa muhiim ah. Xiddigaha heshiisyadoodu dhamaadka yihiin ayaa waxa ka mid ah Marco Asensio, Nacho Fernandez, Dani Ceballos, Mariano Diaz, Toni Kroos, Luka Modric, Karim Benzema iyo Lucas Vazquez.

Sida uu qoray wargeyska Diario AS, Florentino Perez ayaa beddelay sidii uu ula macaamili jiray ciyaartoydiisa, gaar ahaan kuwa uu qaddarinta badan u hayo ee guulaha waaweyn soo gaadhsiiyey kooxda tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.

Xiddiga reer France ee Karim Benzema iyo ruug-caddaaga khadka dhexe ee Luka Modric oo ah labada ciyaartoy ee ugu da’da weyn kooxda oo kala ah 35 jir iyo 37 jir ayay Real Madrid u deysay go’aanka ay gaadhayaan. Sidoo kale, Toni Kroos iyo Nacho Fernandez ayaa iyagana loo sheegay inay iskood go’aan u gaadhaan.

ADVERTISEMENT

Karim Benzema oo 35 jir ah ayaa sannadihii ugu dambeeyey ahaa weeraryahanka kaliya ee ay Real Madrid haysato, isla markaana ku suntanaa guulihii xilli-ciyaareedkii tegay ee UEFA Champions League iyo LaLiga oo sabab u noqday in uu isaguna noqdo xiddiga sannadka ee hantiyey abaal-marinta Ballon d’Or.

Sidoo Kale Akhri

HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

January 28, 2023
HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

January 28, 2023

Karim ayaa xilli ciyaareedkan ay lasoo darseen dhaawacyo, inkasta oo 18 kulan oo uu ciyaaray uu dhaliyey 12 gool iyo mid kale oo uu caawiye ka noqday.

Luka Modric oo isaguna tiir-dhaxaad shaqo badan ahaa, ayaa xilli ciyaareedkan u muuqda inuu lumiyey qaab ciyaareedkiisa, gaar ahaan intii ka dambaysay Koobkii Adduunka, waxaana uu labadii toddobaad ee ugu dambeeyey kusoo bilaabnayay kaydka.

ADVERTISEMENT
Share302Tweet189
ADVERTISEMENT

Related Posts

HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Man United ayaa isha ku haysa inay boos ka samaysato wareega shanaad ee FA Cup-ka kahor kulanka ay wareega afraad...

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Barcelona ayaa maanta booqasho gaaban ugu tagaysa kooxda ay gobolka Catalonia wada degaaan ee Girona oo ay ku booqanayso Estadi...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.