Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Ben White Oo Markii Ugu Horreysay Ka Baxay Aamusnaanta Tan Iyo Markii Laga Caydhiyey Xulka England

by Abdiwahab Ahmed
December 13, 2022
1
Ben White Oo Markii Ugu Horreysay Ka Baxay Aamusnaanta Tan Iyo Markii Laga Caydhiyey Xulka England

Difaaca kooxda kubadda cagta Arsenal ee Ben White ayaa markii ugu horreysay ka  baxay aamusnaanta tan iyo markii laga caydhiyey xulka qaranka England markii ay isku dhaceen tababare ku-xigeenka, taas oo keentay in isaga oo aan hal ciyaar u safanin uu diyaaradda ka raaco waddanka Qatar oo uu ku laabto England.

ADVERTISEMENT

White oo ay da’diisu tahay 25 jir ayaa shalay la midoobay ciyaartoyda kooxdiisa Arsenal oo uu ugu tegay magaalada Dubai oo ay tababarka ku qaadanayaan, waxaana la arkayay isaga oo dhoola-caddaynaya oo u muuqanaya inuu iska illoobay waqtigii murugada.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa November 30 waxay shaaciyeen in Ben White uu ka tegay xulka oo uu ku laabtay Ingiriiska, waxaanay ku sababeeyeen arrimo shaqsi oo qoyskiisa ah, iyadoo laabadii ciyaarood ee ugu horreeyey uu kaydka fadhiyey oo aan waqti la siinin.

Laakiin xaqiiiqada soo baxay ayaa waxay noqotay in ay isku dhaceen tababare ku-xigeenka xulka, taasina keentay in laga caydhiyo oo dib loogu diro London.

ADVERTISEMENT

Si kastaba, Ben White ayaa hadda ku sugan Dubai waxaanu isku diyaarinayaa kulamada saaxiibtinimo ee AC Milan iyo Juventus, ka  hor inta aanay dib ugu laabanin England oo horyaalka Premier League ay maalinta Boxing Day ku ballansan yihiin West Ham United.

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023

Shalay markii uu tababarka bilaabay ayaa uu Ben White qoraalkiisii ugu horreeyey ku daabacay bartiisa Instagram tan iyo markii uu ka tegay xulka, waxaana uu ku yidhi: “Waanu soo laabanay.” Waxa uu qoraalkiisa soo raaciyey sawirrada dhawr ciyaartoy oo ay is garab taagan yihiin.

Gunners ayaa marka ay dib ugu laabato Ingiriiska waxay bilaabi doontaa inay sii wadato bandhigga fiican iyaga oo hoggaanka horyaalka ku haya 37 dhibcood, halka Man City oo kusoo xigtaa ay leedahay 32 dhibcood.

ADVERTISEMENT
Share445Tweet278
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Comments 1

  1. Cali says:
    2 months ago

    Warkiina waa wax lagu qoslo wlhi..sidan miyad rabtan inad bariiska kudhacsatan oo aqristayaal ku heshaan? Malin walba waxad soqortaan hebel ayaa afka furtay hadana waxba masheegin … waa yaab war wax isku fala please oo oo ixtiraama hal halka qof ee afsomaliga waxku aortaan sababtiis ku qasban inu naf idinka raadiyo🥹

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.