Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Arsenal ee aan qaybta ka ahayn Koobka Adduunka ayaa Axaddii maanta u duulay magaalada Dubai oo ay ku qaadan doonaan tababar ay ugu diyaar-garoobayaan horyaalka Premier League ee dib u bilaabmaya dhamaadka bishan December.
Xiddigaha Arsenal ee u duulay Dubai ayaa laga reebay Ben White oo toddobaadkan iskaga tegay xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka oo uu hore uga mid ahaa, balse sababo lagu sheegay inay ciyaartoyga u gaar yihiin uu uga tegay, isla markaana aanu dib ugu soo noqonayn.
Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa hore u sheegay in Ben White aanu dib ugu laabanayn xulka England oo uu sidaas kaga baxay liiska 26ka ciyaartoy ee tababare Gareth Southgate uu la tegay Qatar.
White ayaa la filayay inuu ka mid noqon doono ciyaartoyda kooxdiisa Arsenal ee tababarka ku qaadan doonta Dubai, si uu iskaga maydho niyad-jabka uu kala kulmay Gareth Southgate oo aan wax fursad ah siinin saddexdii ciyaarood ee xulka England uu ciyaaray illaa hadda Koobka Adduunka.
Ciyaartii Wales ee England ay kusoo xidhatay wareegga group-yada ayaa sabab lagu sheegay xanuun uu Ben White kaga maqnaaday, ka hor intii aanu u duulin magaalada London.
Tababare Mikel Arteta oo soo saaray liiska ciyaartoydiisa u duulaysa Dubai ayaa xaqiijiyey in aanu Ben White qayb ka ahayn oo uu ka reebay liiska ciyaartoydiisa balse ma aanu bixin sharraxaad dheeraad ah oo ku saabsan sababta.
Emile Smith Rowe oo tan iyo bishii September u jiifay dhaawac ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa Arsenal oo u raacay safarka Dubai oo sidoo kale lagu soo daray toban ciyaartoy oo da’yarta ah oo qayb ka noqon doona kulamada saaxiibtinimo ee Lyon iyo AC Milan.