Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa ka baqaysa in ay weerar kusoo qaaddo Real Madrid oo ay ka xoogto dheemankeeda khadka dhexe ee Jamal Musiala, kaas oo ay u arkaan in uu yahay mustaqbalkooda ay doonayaan in uu tobanka sannadood ee soo socda hoggaamiyo.
19 jirkan ayaa noqday mishiinka khadka dhexe ee Bayern Munich inkasta oo ay da’diisu yar tahay, waxaana xilli ciyaareedkan 22 kulan oo uu saftay uu dhaliyey 12 gool iyo 10 kale oo uu caawiye ka noqday.
Kubbad-sameeyahan oo ka mid ahaa ciyaartoydii xulka qaranak Germany ee Koobkii Adduunka ee Qatar, isla markaana kusoo bilowday dhamaan saddexdii ciyaarood oo uu hal gool caawiyey, ayaa waxa uu noqday ciyaartoygii labaad da’yarta dunida ugu fiicnaa, isaga oo ku xigay Gavi oo ku guuleystay abaal-marinta Kopa Trophy.
Walaaca Allianz Arena ayaa soo baxay kaddib markii la ogaaday in Real Madrid ay danaynayso inay u dhaqaaqo saxeexa laacibkan haddii uu iska diido inuu saxeexo heshiis cusub, sida ay ku warrantay Diario AS.
Qandaraaskiisa hadda ee Bayern Munich oo uu kusoo biiray sannadkii 2019 ayay ka hadhsan yihiin afar sannadood, balse waxa jira warar sheegaya in aanu ku qancsanayn xaaladdiisa hadda gaar ahaan dhinacamushaharka.
Real Madrid oo istaraatiijaddeeda sannadihii u dambeeyey ay tahay inay urursato ciyaartoyda da’yarta ah, horena gacanta ugu dhigtay Vinicius Jr, Rodrygo iyo Federico Valverde ayaa waxay sidoo kale dhowaan la saxeexatay da’yarka Brazil ee Endrick oo sannad iyo badh kaddib soo gaadhi doona Santiago Bernabeu.
Wargeyska Bild ee kasoo baxa Jarmalka ayaa sheegay, in Bayern Munich ay ka shaqaynayso sidii ay Jamal Musiala ugu qancin lahayd inuu saxeexo heshiis cusub oo si weyn sare ugu qaadaya mushaharkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Los Blancos ayaa sidoo kale indhaha ku haya kubbad-sameeyaha Borussia Dortmund iyo England ee Jude Bellingham oo 19 jir ah.