Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Bastian Schweinsteiger Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Uu Ugu Jecel Yahay Manchester United

by Abdiwahab Ahmed
December 13, 2022
0
Bastian Schweinsteiger Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Uu Ugu Jecel Yahay Manchester United

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee xulka qaranka Germany iyo Bayern Munich ee Bastian Schweinsteiger ayaa shaaciyey labada ciyaartoy ee uu ugu jecel yahay Manchester United oo muddo laba sannadood ah uu u ciyaaray markii uu ka tegay Bayern Munich.

ADVERTISEMENT

Bastian Schweinsteiger oo ka mid ah ciyaartoyda koobabka ugu badan ku guuleystay, ayaa waxa u diiwaangashan siddeed horyaal oo Bundesliga ah iyo Champions League uu kula guuleystay Bayern Munich, halka xulka qarankiisa Germany uu sannadkii 2014 la qaaday Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Brazil.

Schweinsteiger oo waraysi siinayay website-ka Manchester United, ayaa la weydiiyey su’aal ahayd labada ciyaartoy ee uu ugu jecel yahay ee hadda u ciyaara Manchester United, waxaana uu markiiba lasoo booday kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Casemiro iyo khadka dhexe ee Portugal ee Bruno Fernandes.

“Bruno waxa aan ugu yeedhaa ‘maskaxda'” ayaa uu yidhi Bastian Schweinsteiger, waxaana uu sii raaciyey: “Sida uu u dhaqaaqo garoonka dhaxdiisa ayaa cajiib ah, haddana waa nooca ciyaartoyda aan la siinin qiimaynta ay leeyihiin.

ADVERTISEMENT

“Dabcan, waxa uu sameeyaa caawin ama dhalin, waxaanu bixinayaa baasas wanaagsan, laakiin sidoo kale Bruno Fernandes waa ciyaartoy aad u shaqo badan.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Bastian Schweinsteiger waxa uu sidoo kale sharraxay Casemiro oo ah ciyaartoyga labaad ee uu ugu jecel yahay Old Trafford, waxaanu yidhi: ‘Casemiro waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan booskiisa waqtigan.

“Waxa uu sida u fiican u joojiyaa khatarta kusoo socota kooxdiisa, waana ciyartoy ku wanaagsan dhiibista kubadda. Waxa uu dhaliyey gool cajiib ah ciyaartii Switzerland ee Koobka Adduunka, sidoo kalena waxa uu ahaa ciyaartoy aad muhiim ugu ah kubbadaha madaxa xulka qaranka Brazil.

“Waxa uu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha halkaa jooga, waanad arki karaysaan oo aad dareemi krayaan. Waxa aan rajaynayaa in uu dib usoo celin doono ciyaartii Manchester United.”

ADVERTISEMENT
Share384Tweet240
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.