Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa rajaynaysa in uu weeraryahanka saddexda ciyaarood la ganaaxay ee Robert Lewandowski uu u ciyaari doono kulanka adag ee Axadda ee Atletico Madrid, iyada oo loo tixgelinayo rafcaan ay ka qaateen ganaaxa lagu riday gool-dhaliyahoodan.
Lewandowski ayaa kaadh casaan ah lagaga saaray kulankii Osasuna ee bishii November, waxaana loogu daray ganaax laba ciyaarood ah oo kulamada uu maqnaanayo ka dhigaysay saddex maadaama uu garsooruhu warbixintiisa ku daray inuu si xun u dhaqmay.
Barcelona ayaa rfcaan u qaadtay xidhiidhka kubadda cagta Spain iyo maxkamadda ciyaraha ee Tribunal oo labadooduba ka diiday inay yareeyaan tirada ganaaxa.
Sidaas oo ay tahay, Barcelona ayaa maxkamadda dadweynaha u qaadatay rafcaan 24 saacadood ka hor kulankii Espanyol waxaanay ku guuleyseen in laacibkan loo ogolaado inuu ciyaaro inta kiiskiisa go’aan laga gaadhayo.
Sida uu qoray wargeyska Diario AS, Barcelona ayaa waxay rajaynaysaa in uu Lewandowski ciyaari doono kulanka Atletico Madrid maadaama aanay wali maxkamddu go’aan rasmi ah soo saarin, balse waxa cadhaysan oo dacwad gudbisay Espanyol, halka Atletico Madrid ay iyaduna olole u gelayso in Lewandowski ganaaxiisa lasoo dedejiyo.
Arrinta yaabka leh ayaa waxay tahay in dhaqan-gelinta go’aanka Lewandowski uu qaatay laba usbuuc iyo dhawr bilood illaa haddana aan la hirgelinin saddexdii kulan ee ganaaxa ah oo uu ku jiro ciyaartii ay ahayd inuu kaadhka casaanka ah ku maqnaado.
Tababare Xavi Hernandez oo saxaafadda la hadlayay maanta ayaa sheegay inay rajaynayaan in Lewandowski loo ogolaan doono kulanka Atletico Madrid, sidoo kalena ay filayaan in go’aanka maxkamaddu uu noqon doono mid ka farxin doona oo meesha ka saari doona amaba yarayn doona tirada kulamada ganaax.