Barcelona ayaa iska xadaarisay wareegga 8-da ee Copa Del Rey ka dib guul ay u qalmeen oo ay ka gaareen AD Ceuta
Nasiinada waxaa lagu aaday hal gool ay dhaliyeen Barca kaasi oo uu saxiixay Rafinha , waxa ayna qeybtaas hore aheyd mid aan laheyn fursado badan maadaama kooxda AD Ceuta daafac ahaan isku xernaayeen
Inkastoo Barcelona qeybtaas hore wacnaayen hadana waxaa ka maqneyd in fursado xaqiiq ahaa ku ku sameeyaan kooxda AD Ceuta mana jirrin cadaadis saxan
Gavi bandhig wacan ayauu sameynaayay meel waliba ayuu ka taagnaa garoonka , waxaana lagu nastay halkaas gool
Qeybta labaad Barca waa ka wacnaayeen middii hore isku dayo ayay sameynayeen gool waqti hore ayay keeneen gool waxaana saxiixay oo labeeyay Lewandowski.
Ka dib dhacadaas Barca iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse kooxda yar waxa ay ku fiicnaayeen daafaca halka ay ku adkeyd in kubadda horay u soo dhaqaajoyeen
Waxa ay AD Ceuta isku dayayeen in Barca ka weeeraraan dhanka garaba bidix balse qibrad yari ayaa dileysay ilaa lagu keenay gool sedexaad oo uu saxixiay Fati kaasi oo badel ku soo galay ciyaarta
Ka dib dhacadaas , wax waliba ayaa laga filan karay Barca oo shabaqa AD Ceuta si sahal ayay u gaarayeen illaa ay keeneen gool 4-aad oo madaxa ku daliyay Franck Kessie , wax aayan watqigii geerida ku dareen gool 5-daan uu saxiixay Lewandski
Halka arin ee wanaagsan ee kulankaan dhanka Barcelona laga bartay ayaa ah in ciyaartooy kala duwan ay dhaliyeen goolasha , waxa ayna Barca dhanka waliba kaga wacnaayeen kooxdaas yar