Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

by Abdiwahab Ahmed
January 24, 2023
1
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa samaynaysa iskudaygii ugu dambeeyey ee ay ku doonayso inay ku qanciso kabtankeeda Sergio Busquets inuu sii joogo Camp Nou, xilli uu laacibkani shandaddiisa xidh-xidhanayo oo uu qorshaynayo inuu ka tago marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.

ADVERTISEMENT

34 jirkan ayaa la sheegay in aanu wali wax dalab heshiis cusub ah ka helin kooxdiisa Barcelona, inkasta oo uu Xavi Hernandez marar badan ku celceliyey inay ka go’an tahay inay sii haystaan sannad kale, taas oo keentay in uu bishan January Sergio Busquets wada-hadallo la yeesho kooxda horyaalka Maraykanka ee Inter Miami.

Wargeyska SPORT ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in Barcelona ay diyaarisay dalab heshiis cusub ah oo ay u bandhigayso Sergio Busquets maalmaha soo socda, si ay meesha uga saarto damaca kooxaha kale kaga jira laacibkan, isagana ugu qanciso in aanu ka bixin xagaaga foodda inagu soo haya.

Warka ayaa intaa ku daray, in kabtanka Barcelona uu la socdo, in kooxdiisu ay doonayso inuu sii joogo, isla markaana aanay jirin wax farqi ah oo u dhexeeya oo kala kaxaynaya inkasta oo ay kooxdu caqabad u aragto mushaharka uu qaato kabtankeedu.

ADVERTISEMENT

Horraanta bisha February ayaa la filayaa in ay wada-hadallo daaha dabadiisa ah ay u bilowdaan Sergio Busquets  oo toddobaadkii hore kula soo guuleystay tartanka Spanish Supercup oo ay rikoodheyaal ku garaaceen Real Madrid oo ay finalka iskugu soo baxeen.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Sergio Busquets ayaa la sheegay in uu diiddan yahay inuu hoos  u dhigo mushaharkiisa aadka u badan, halka kooxduna ku tirtirsiyayso in ay lagama maarmaan tahay inuu tanaasul sameeyo, si ay suurtogal u noqoto inuu xilli ciyaareed  kale sii joogo.

ADVERTISEMENT
Share284Tweet178
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Comments 1

  1. mohmed says:
    2 weeks ago

    realmadrid 1:3barcelona.
    adnh wxad so qorty rekodhayal by kga qaday cupka

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.