Iyadoo Alejandro Balde uu bedelay xiddiga ka dhaawacmay xulka Spain ee Jose Gaya, Barcelona ayaa jabisay rikoodhka taariikhiga ah ee Koobka Adduunka.
Iyadoo 17 ciyaaryahan ay ka joogaan Qatar, Barcelona ayaa noqotay kooxda ciyaartoyda ugu badan abid ku lahaataa taariikhda Koobka Adduunka.
Ciyaartoyda Barcelona ee Koobka Adduunka:
Ter Stegen (Germany) Araujo (Uruguay), Christensen (Denmark), Kounde (France), Alba (Spain), Eric Garcia (Spain) Balde (Spain), Busquets (Spain), Pedri (Spain), Gavi (Spain), De Jong (Netherlands) Ferran (Spain), Ansu Fati (Spain), Memphis Depay (Netherlands), Lewandowski (Poland) Dembele (France) iyo Raphinha (Brazil) ayaa ah xiddigaha Blaugrana ee u ciyaaraya ilaa sideed xul oo intooda badani ay u tartamayaan hanashada koobka.
Hal goolhaye, lix difaac, afar khadka dhexe iyo lix weeraryahan ayaa ah xiddigaha Barcelona ee Koobka Adduunka u jooga Qatar.
Bayern Munich iyo Manchester City waxaa ka socda min 16 ciyaaryahan waxayna ku soo xigaan Barca. CIyaartoyda Barcelona ee ugu badan waxay matalayaan xulka Spain oo sideed ka mid ah ay yihiin xiddigaha Blaugrana.
Iyadoo inta badan ciyaartoyda Barcelona ay u safreen Qatar, waxaa ku adkaaneysa tababare Xavi inuu helo ciyaartooy uu sii tababaro inta Koobka Adduunka uu socdo.