Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la sheegay inay ogolaatay inay iibiso mid ka mid ah xiddigaheeda da’da yaar ee kasoo baxay kuliyadda La Masia ee wacdaraha ka dhigay horyaalka La Liga iyadoo ay da’diisu yar tahay, hase yeeshee Xavi Hernandez iyo Joan Laporta ay ogolaadeen inay iibiyaan.
Weeraryahanka da’da yar ee Ansu Fati ayaa la sheegay in Barcelona ay ogolaatay inay iibiso, waxaanay heshiis la gaadhay koox aan magaceeda la shaacin oo bixin doonta €60 milyan oo Euro.
Fati oo sannadkii 2019 iyadoo ay da’diisu ahayd 16 jir usoo dallacay kooxda koowaad oo uu si fiican ula jaan-qaaday ayaa xataa waxa loo xidhay lambarkii Lionel Messi ee No.10, hase yeeshee waxa xirfaddiisa hoos u dhigay dhaawacyo kusoo noqnoqday.
Warbaahinta Spain ayaa sheegaysa, in tababare Xavi Hernandez uu waqtigan u arko Fati mid aan helayn boos joogto ah oo ay ka mudan yihiin Robert Lewandowski, Ferran Torres iyo Memphis Depay, taas darteedna ay tahay in la iibiyo maadaama aanay kooxdu haysanin dhaqaale badan.
Kooxd aan la magacaabin ayaa la sheegay in Barcelona ay kula heshiisay inay bixiso €60 milyan oo Euro oo ay la wareegto Ansu Fati xagaaga marka lasoo gunaanado xilli ciyaareedkan socda.
Qorshaha heshiiska ayaa markii hore ahaa in Ansu Fati uu u wareego kooxdiisa cusub bishan January, hase yeeshee ganaax saddex ciyaarood oo horyaalka La Liga ah oo lagu riday Robert Lewandowski ayaa keenay in Barcelona ay dib u dhigto iibka Fati oo uu xagaaga la midoobi doono naadiga magaciisa la qariyey.