Barcelona Oo Magacaabaysa AFAR Kabtan Oo Cusub Oo Ay Ku Jiraan Robert Lewandowski & Pedri

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qorshaynaysa in ay magacawdo afar kabtan oo cusub oo xilka kala wareegaya rukunnada kooxda hoggaamiya hadda ee Sergio Busquets, Gerard Pique iyo Jordi Alba oo dhamaantood la filayo inay ka baxaan Camp Nou xagaaga dambe.

Sergio Busquets oo 34 jir ah ayaa muddo sannad ah ahaa kabtanka Barcelona oo uu ka beddelay Lionel Messi, ayaa waxana kusii xiga Gerard Pique oo isaguna 35 jir ah, isla  markaana kaydka u dhaadhacay, halka Sergi Roberto oo 30 jir ah uu yahay kabtanka saddexaad iyo Jordi Alba oo 33 jir ah oo isaguna ah kabtanka afraad.

Advertisements

Sida uu kusoo warramayo wariyaha ciyaaraha ee Javi Miguel, Barcelona ayaa rajaynaysa in afartan ciyaartoyba ay ka tegi doonaan June 2023, inkasta oo Roberto uu dhowaan saxeexay heshiis cusub, waxaana lasii diyaarinayaa ciyaartoyda beddelay.

Madaxweyne Joan Laporta iyo tababare Xavi Hernandez ayaa la sheegay in ay isla qaateen, in saxeexa cusub ee Robert Lewandowski uu ka mid noqdo afarta kabtan ee cusub, sidoo kalena la dareensiin doono da’yarka Pedri sida uu muhiim ugu yahay kooxda oo uu ka mid noqon doono afarta kabtan ee cusub inkasta oo ay da’diisu tahay 19 jir.

Kabtannada cusub ee Barcelona oo uu sidoo kale ka mid  noqon doono Ronald Araujo oo 23 jir ah ayaa waxa kabtanka rasmiga ah laga dhigi doonaa goolhaye Marc -Andre ter Stegen oo 30 jir ah, hase yeeshee waxa aan meelnaba ka jirin liiska kabtannada xiddiga reer France ee Ousmane Dembele.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada