Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Barcelona Oo Lambarka Ka Beddelaysa Gavi Haddii Uu Horyaalka Spain Ogolaado Inuu U Diiwaangeliyo

by Abdiwahab Ahmed
January 25, 2023
0
Barcelona Oo Lambar Bedel Ku Samaynaysa Saddex Da’yar Oo Kooxdeeda Ah & Maaliyada Cusub Ee Pablo Gavi

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa doonaysa in ay xiddigeeda khadka dhexe ee Gavi ka beddesho lambarka uu xidho kaddib bixitaankii Memphis Depay, laakiin waxay marka hore ogolaansho diiwaangelineed weydiisan doonaan horyaalka Spain ee LaLiga.

ADVERTISEMENT

Gavi oo heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxeexay Barcelona horraantii xilli ciyaareedkan ayaan wali ka mid ahayn kooxda koowaad ee Barcelona, waxaana uu ugu diiwaangashan yahay da’yarta, maadaama uu ka buuxsamay liiska mushaharka laga ogol yahay kooxda koowaad iyo tirada ciyaartoyda oo dhaaftay intii diiwaangelinta loo ogolaa.

Sida ay ku warramayso idaacadda Cope ee xarunteedu tahay waddanka Spain, Barcelona ayaa rajaynaysa in horyaalka LaLiga uu u ogolaan doono in Gavi loogu diiwaangeliyo koioxda kooxdas, waxaanay taasi ka caawin doontaa in laga beddelo lambarka uu xidhan yahay waqtigan.

Xavi Hernandez ayaa u qorsheeyey da’yarkan in uu dhaxlo lambarkii uu xidhan jiray ee No.6 marka diiwaangelintiisa loo ogolaado, waxaana fursad u noqonaysa bixitaankii Memphis Depay oo liiska kooxda koowaad lagaga dari doono halkii uu weeraryahanka ee u wareegay Atletico Madrid uu ka baxay.

ADVERTISEMENT

Barca ayaa sidoo kale ka shaqaynaysa in ay heshiis cusub ka saxeexdo laacibkeeda da’da yar ee Alejandro Balde, kaas oo doonaya in si weyn sare loogu qaado mushaharkiisa.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023
ADVERTISEMENT
Share323Tweet202
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.