Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Barcelona Oo Lagu Xukumay Inay Lacag Malaayiin Ah Siiso Xiddigii Ay Email-ka Ku Riday

by Abdiwahab Ahmed
January 11, 2023
1
Barcelona Oo Lagu Xukumay Inay Lacag Malaayiin Ah Siiso Xiddigii Ay Email-ka Ku Riday

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu riday xukun maxkamadeed oo qasab kaga dhigaya, in ay lacago malaayiin ah siiso xiddigeedii hore ee khadka dhexe ee Matheus Fernandes oo heshiiskiisa ay Barca ku burburisay email ay u dirtay.

ADVERTISEMENT

Matheus Fernandes oo 17 daqiiqadood oo kaliya ay ciyaaray kooxda koowaad ee Barcelona, ayaa waxa la eryey isaga oo kula jira heshiis oo sannado badan u hadhsan yihiin.

Laacibkan ayaa waxa uu dacwad u gudbiyey maxkamad ku taalla Spain, waxaana lagu xukumay Barcelona in ay laacibkan siiyaan £6.5 milyan oo Gini, taas oo kusoo beegmaysa xilli ay xaaladda dhaqaale ee Barca adag tahay.

Barcelona ayaa January 2020 waxay Fernandes kasoo iibsatay kooxda reer Argentina ee Boca Junior, waxaanay kasoo bixisay £6 milyan oo Gini, hase yeeshee waxay kooxdu fasaxday xagaagii 2021 isaga oo hal kulan oo kaliya beddel ugu soo galay, waxaanay ahayd ciyaartii Champions League ee Dynamo Kyiv.

ADVERTISEMENT

24 jirkan ayay kooxdu burburisay heshiiskiisa iyaga oo aan kala xaajoonin, waxaanay kaliya kaliya ku kansaleen email loo diray iyada oo aan lala hadal, waxaana lagu wargeliyey in heshiiskiisii shanta sannadood ee soconayay illaa 2025 ay kooxdu ka baxday.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Fernandes ayaa la tashaday koox sharci-yaqaano ah ka hor intii aanu dacwadda gudbin, waxaana uu ka dalbaday Barcelona £13 milyan oo Gini oo magdhow ah, hase yeeshee maxkamadda ayaa kaliya u xukuntay kala-badh lacagtaas oo noqonaysa £6.5 milyan oo Gini.

ADVERTISEMENT
Share439Tweet275
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Comments 1

  1. MOHAMED MAHAMUD says:
    4 weeks ago

    13M kala barkeed waa 6.5M, Khaladaadka ishiinu qaban karto ee idin soo dhaafa waxay gudbinayaan fariin ah inaydaan waxba tafatirin 🤔

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.