Xavi Hernandez ayaa dhowaan shaaciyey inuu la hadlay xiddiga ay ku tartamayaan kooxaha PSG iyo Real Madrid ee Endrick Felipe ee u ciyaara kooxda reer Brazil ee Palmerias, waana mucjiso 16 jir ah oo dunida oo dhan ay raadinayso.
Barcelona oo siyaasaddeedu ay tahay inay la saxeexato ciyaartooyo da’yar ah oo ay u carbiso inay la jaan-qaadaan falsafaddeeda kubbad isku-dhiibka ee tiki-taka, ayaa waxay xoojinaysaa tartanka ay ugu jirto Endrick si ay ugu garaaci karto kooxaha waaweyn ee kula tartamaya ee Real Madrid, PSG iyo Chelsea oo iyaguna diyaar u ah inay qasnaddooda u jabiyaan.
Joan Laporta iyo Xavi Hernandez kaliya kuma koobnaanayaan Endrick, waxaanay sidoo kale doonayaan laacib kale oo da’yar reer Brazil ah oo ay qorshaynayaan in ay xagaaga la saxeexdaan.
Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, Barca ayaa waxa kale oo ay ku raad joogtaa Vitor Roque oo u ciyaara kooxda reer Brazil ee Athletico Paranaense oo ay yaraantoodii kooxda Estevao u wada ciyaari jireen Endrick.
Vitor Roque ayaa soo galay ajandaha Barcelona, waana 17 jir ay durba dalabyo kasoo gudbiyeen kooxo reer Yurub ah kaddib markii 36 kulan oo kooxda koowaad ah oo uu ciyaaray uu u dhaliyey toddoba gool, saddex kalena caawiye ka noqday.
Messinho ayaa Athletico Paranaense ay kala soo wareegtay Estevao iyadoo ay da’diisu tahay 15 jir, waxaana muddadii koobnayd ee uu joogay uu muujiyey inuu yahay ciyaartoy tayadiisu sarrayso, isaga oo usoo dallacay kooxda koowaad.