Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Barcelona Oo Kusii Dhowaanaysa Saxeexa 25 Jirka Uu Xavi Ka Calmaday Horyaalka Premier League

by Abdiwahab Ahmed
January 8, 2023
0
GO’AAN: Xavi Oo Qatar Kasoo Laabtay Isagoo Soo Gaadhay Go’aanka Xiddiga Bedelaya Sergio Busquets

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay qarka u saaran tahay heshiis ay la gaadho xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Wolverhampton Wanderers ee Ruben Neves oo uu tababare Xavi Hernandez doonayo inuu u noqdo beddelka Sergio Busquets oo dhamaadka xilli ciyaareedkan uu ku egyahay qandaraaskiisa Camp Nou.

ADVERTISEMENT

Xiddiga reer Portugal oo ay Wolves sannadkii 2017 kala soo wareegtay FC Porto ayaa u ciyaaray 233 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 28 gool iyo 12 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana hadda uu kusoo baxay bartilmaameedka koowaad ee Barcelona.

Sida uu ku warramayo wargeyska Sport, Barcelona si weyn ayay u doonaysaa in ay gacanta ku dhigto Neves, waxaanay kula jiraan wada-hadallo meel fiican maraya oo Xavi uu doonayo in laga midho dhaliyo bishan January.

Qorshaha Barcelona ayaa ah in ay Wolves iskugu darto lacag iyo ciyaartoy si ay qiimaha Ruben Neves hoos ugu dhigto maadaama ay dhaqaale la’aan ka cabanayaan.

ADVERTISEMENT

Warka ayaa intaa ku daray, in Barcelona ay kala dooransiinayso Wolves labada ciyaartoy ee Franck Kessie iyo Nico Gonzalez, midka ay doortaanna loo raaciyo lacag aan wali la shaacin caddadeeda.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Wolves ayaa la rumaysan yahay in ay soo dhoweyn doonto dalabka Barcelona, sababtoo ah heshiiska ay kula jirto Ruben Neves ayaa ku eg badhtamaha sannadka 2024, waxaana haddii ay iibin waayaan bishan January ama dhamaadka xilli ciyaareedka uu uga tegi doonaa si xor ah sannad kaddib.

ADVERTISEMENT
Share370Tweet232
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.