Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Barcelona Oo Kala Shaandhaysay Kooxdeeda & LIXDA Xiddig Ee Kaliya Ee Lama Taabtaanka Ah

by Apdihakem Omer Adam
December 24, 2022
0
CAJIIB: Xiddig Barcelona Ah Oo TIMAHA BEERTAY Kaddib Talo Uu Ka Helay Cristiano Ronaldo

Barcelona ayaa ahayd koox waxbadani ka dhex dhacayeen suuqyadan ugu dambeeyay sababo la xidhiidha xaalada dhaqaale ee adag ee ay ku jirto oo qasbaysay inay waxyaabo badan ku kacdo, markale ayay u furan yihiin qorshayaasha ah inay go’aamo lama filaan ah qaataan.

ADVERTISEMENT

Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Barca oo isku diyaarinaysa suuqyada soo socda ayaa dooratay kaliya lix xiddig oo kooxdeeda ah oo ay u aragto kuwo lama taabtaan ah oo aysan dalabaadka laga soo gudbiyo dhagaysan doonin.

Xiddigahaas ayay kamid yihiin labadii saxeex ee xagaagii ee weeraryahan Robert Lewandowski iyo daafaca dhexe ee Jules Kounde.

Lewandowski ayaa ah saxeexa ugu saamaynta batay ee ay Barca xagaagii samaysay isagoo durba goolal badan dhaliyay halka Kounde ay in badan oo maamulka kooxda kamid ahi u arkaan daafacooda ugu muhiimsan.

ADVERTISEMENT

Si lamid ah daafaca kale ee Ronald Araujo oo dhawaan saxeexay heshiis kordhin ilaa 2026 ah, Araujo oo dhawaanahan dhaawacyo ku maqnaa ayaa haddii uu taam ahaansho buuxa helo ballanqaadaya waayo ciyaareed oo fiican.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Waxa soo raaca laba da’yar khad dhexe ee Pedri Gonzalez iyo Pablo Gavi oo kamid ahaa xiddigaha kooxda ugu fiican sanadkii ugu dambeeyay, Gavi iyo Pedri oo mustaqbalka fog ee Barca loo arko ayaa saxeexay heshiisyo ilaa 2026 ah.

Magaca ugu dambeeya ee liiska Barca ayaa ah Ansumane Fati oo qandaraas weyn saxeexay 2020 balse intii ka dambaysay dhaawacyo xidhiidh ah la darsay.

Waxa jirta durba cabsi laga qabo in dhaawacaasi galaafto mustaqbalkiisa kubaddeed waxaana intaas u dheer inuusan xilli ciyaareedkan wakhti badan ka helin tababare Xavi.

ADVERTISEMENT
Share298Tweet186
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.