Barcelona ayaa 1-0 ku garaacday ka dib gool uu u dhaliyay Ousmane Dembele iyagoo seddex dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hogaanka horyaalka La Liga.
Ciyaarta ayay labada kooxood ku bilowdeen si aad u fiican laakiin durbadiiba Barcelona ayaa la wareegtay koontaroolka kubada iyagoo Atletico Madrid ay dib u gurasho sameysay oo ay difaac galeen sida looga bartayba.
Kooxda Xavi Hernandez ayaa helay goolkii ay raadinayeen daqiiqadii 22aad iyadoo Pedri uu dhexmaray wadnaha Atletico Madrid ka hor inta uusan helin Gavi kaasoo kubada u dhigay Dembele oo isna dabamariyay goolhaye Jan Oblak.
Kooxda Diego Simeone ayaa hurdada ka kacday daqiiqadii 30aad iyagoo bilaabay inay weeraro qaadaan si ay u helaan goolka barbaraha. Waxay qeybtii hore ku dhameysteen iyagoo xoogan laakiin ma aysan abuurin fursado goola loo fishay.
Barcelona ayaa dejisay duufaantii Atletico waxayna kala wareegeen kubad heysashada taasoo jahwareerisay ciyaartoyda Atletico. Barcelona waa ay ku guuldareysatay inay hesho darbo goolka ku bartilmaameedsan qeybtii labaad laakiin kubada ayay iska heysteen.
Ciyaarta ayaa ku dhamaatay si waali ah iyadoo Stevan Savic iyo Ferran Torres labaduba casaan la siiyay ka dib markii ay ku dagaalameen kubad, daqiqiado ka dib Antoine Griezmann ayaa fursad dahabi ah ka qasaariyay Atletico Madrid.
XIDDIGA GAROONKA – RONALD ARAUJO (BARCELONA)
Daafaca reer Uruguay ayaa darbiga Barcelona. Markii ay Atletico weerar soo qaado waxaa darbooyinkooda xalinayay oo isku dhigayay Araujo kaasoo sidoo kale sameeyay taakalo fiican. Baasaskiisa way fiicnaayeen, dhan walba si fiican ayuu uga ciyaaray. Waqtigii dhimashada ciyaarta wuxuu Barcelona u badbaadiyay goolka guusha isagoo kubad ka bixiyay xariiqda gooasha.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
Atletico Madrid: Jan Oblak 6, Molina 7, Savic 6, Gimenez 6, Reinildo 6, Llorente 7, Koke 7, Barrios 6, Carrasco 6, Griezmann 7, Felix 6.
Bedel: Lemar 6, Reguilon 6, Kondogbia 6, Correa 6, Morata 6
Barcelona: Ter Stegen 7, Balde 7, Christensen 7, Araujo 9, Kounde 7, de Jong 7, Busquets 7, Gavi 8, Pedri 8, Fati 7, Dembele 8.
Bedel: Roberto 6, Alonso 6, Kessie 6, Raphinha 6, Torres 5