Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Barcelona Oo Diqri Kaga Badisay Getafe, Lix Dhibcoodna Ku Qabatay Hogaanka La Liga

by Saed Mohamed
January 22, 2023
0
Barcelona Oo Diqri Kaga Badisay Getafe, Lix Dhibcoodna Ku Qabatay Hogaanka La Liga

Gool uu qeybtii hore dhaliyay Pedri ayaa ka caawisay Barcelona inay 1-0 kaga badisay Getafe iyagoo sii dheereystay hogaanka horyaalka La Liga oo ay ku hayaan lix dhibcood.

ADVERTISEMENT

Kooxda Xavi ma aysan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican gaar ahaan dhanka weerarka waxayna ku dhibtoodeen inay tijaabiyaan goolhaye David Soria, laakiin waxay ku guuleysteen inay badiyaan kulankoodii 7aad ee gurigooda ee sagaal jeer oo ay isku dayeen.

Kooxda martida aheyd ee Getafe ma aysan haweysanin inay weerar qaado, waxayna ku soo tashadeen kubad difaaca ah iyagoo ku dheelayay shan difaac, waxayna liqeen cadaadis kasta oo uga imaanayay Barcelona.

Waxaase jirtay gool laga diiday afar daqiiqo markii ay ciyaarta socotay iyadoo Borja Mayoral uu shabaqa soo taabtay laakiin Enes Unal ayaa gool ka hor offside ahaa.

ADVERTISEMENT

Dhanka kale Barca waxaa lagu xadiday inay darbooyin meel fog ka soo tuuraan iyadoo goolhaye Soria uu fursado ka beeniyay Ousmane Dembele iyo Gavi. Laakiin waxaa ugu danbeyn shabaqa ka soo taabtay Pedri daqiiqadii 34aad kaasoo baas ka helay Raphinha.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Getafe ayay aheyd inay barbareyso ka hor dhamaadkii qeybta hore markii Pedri uu kubad u dhiibtay Mayoral kaasoo darbadiisa ku aadiyay goolhaye Marc-Andre ter Stegen.

Qeybtii labaad ciyaarta si la mid ah ayay u dhacday iyadoo tababare Quique Sanchez Flores uu diiday inuu qorshihiisa ciyaareed wax ka bedelo.

Qeybtii labaad ciyaarta waxay noqotay mid caajis ah iyadoo fursado badan aan la kala helin halka kubad Mayoral uu banaanka mariyay ay aheyd fursada kaliya ee ugu fiicneyd ee la abuuray.

Guushaan waxay ka dhigeysaa in Barcelona ay horyaalka ku hogaamineyso lix dhibcood ka hor kulanka Real Madrid ee caawa.

ADVERTISEMENT
Share267Tweet167
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.