Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Barcelona Oo Dheemankii Ay Lumisay Real Madrid Ka Dhiganaysa Beddelka Sergio Busquets

by Abdiwahab Ahmed
January 22, 2023
0
Barcelona Oo Dheemankii Ay Lumisay Real Madrid Ka Dhiganaysa Beddelka Sergio Busquets

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa doonaysa inay la saxeexato dheeman kasoo baxday kulliyadda Real Madrid ee La Fabrica laakiin ay si fudud ku lumiyeen oo hadda Xavi Hernandez uu ka dhiganayo beddelka ruug-caddaagooda khadka dhexe ee Sergio Busquets.

ADVERTISEMENT

Barcelona ayaa raadinaysa ciyaartoygii u beddeli lahaa Sergio Busquets oo qandaraaskiisu uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, balse ay wali isku dayayaan inay ku qanciyaan inuu sii joogo sannad kale.

34 jirkan ayaa hore shaki loo geliyey inuu dhamaysan doono xilli ciyaareedkan socda, waxaanay taasi walaac ku abuurtay Xavi Hernandez oo qorshihiisa degdegga ahaa uu noqday inuu Frenkie de Jong ka ciyaarsiiyo booska kubbad-burburiyaha haddii uu Busquets baxo bishan January.

Laakiin kabtan Busquets oo kusii negaanaya Camp Nou illaa dhamaadka xilli ciyaareedka ayaa waxa uu kooxdiisa fursad u siinayaa inay la saxeexdaan ciyaartoy isku-darsaday kubbd-dhisid iyo difaacis, waxaanay ka adeegan doonaan suuqa xagaaga.

ADVERTISEMENT

Tiro ciyaartooyo ah ayaa lala xidhiidhinayaa Barcelona, waxaana ka mid ah laacibka reer Portugal ee Ruben Neves iyo kubbad-burburiyaha reer Spain ee Zubimendi, hase yeeshee waxa hadda diiraddooda soo galay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Villarreal ee Dani Prajo.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Sida uu kusoo warramayo wariyaha ciyaaraha ee Gerard Romero, Dani Parejo oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Real Madrid balse ay si fudud iskaga direen markii ay boos ka siin waayeen kooxda koowaad, ayay Barcelonaa doonaysaa inay la saxeexato, iyadoo qiimihiisana lagu sheegay €7 milyan oo Euro.

Heshiiska uu laacibkani kula jiro Villarreal ayaa ku eg sannadka 2024, waxaanay ku qabsan yihiin inay iibiyaan xagaaga si aanu qaab xor ah ugaga tegin sannad kaddib.

Xilli ciyaareedkan socda ayuu u saftay kooxdiisa 27 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu caawiyey shan gool, halka Sergio Busquets uu kaliya hal caawin sameeyey 21 kulan oo uu u dheelay Barcelona.

ADVERTISEMENT
Share365Tweet228
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.