Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Barcelona Oo Awood Dhaqaale Lagaga Hor Qaadayo Xiddiga Chelsea Ee N’Golo Kante

by Abdiwahab Ahmed
December 25, 2022
0
Barcelona Oo Awood Dhaqaale Lagaga Hor Qaadayo Xiddiga Chelsea Ee N’Golo Kante

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka naxsan wararka kasoo baxaya  mustaqbalka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee N’Golo Kante oo ay qorshaynayeen inay si xor ah kula wareegaan xagaaga foodda inagu soo haya oo uu ku egyahay qandaraaska uu Kante kula jiro Blues.

ADVERTISEMENT

31 jirkan ayaa la sheegay inay Barcelona wada-hadallo kula jirtay isla markaana ku dhoweyd inay heshiis hordhac ah lasii gaadho bisha January kaddib markii uu iska diiday inuu ogolaado qandaraas laba sannadood ah oo ay Chelsea u bandhigtay.

Laacibkan oo 18kii bilood ee ugu dambeeyey la dhibaatoonayay dhaawacyo ayaan qayb ka noqon xiddigaha Faransiiska ee Koobkii Adduunka ee 2022 oo uu dhaawac ku seegay, waxaana Jimcihii uu tababare Graham Potter xaqiijiyey in uu illaa bisha February u jiifi doono dhaawacaas.

Sida lagu sheegay xog uu helay wargeyska Foot Mercato, N’Golo Kante ayaa dalab lacag badan xambaarsan ka helay kooxda reer Sucuudi Carabiya ee Al Nassr oo sidoo kalena la saxeexanaysa xiddiga Portugal ee Cristiano Ronaldo.

ADVERTISEMENT

Al Nassr ayaa la sheegay inay mushahar waalli ah u ballan-qaadayso N’Golo Kante oo uu noqon doono laacibka labaad ee u dhacaya qasnadda Sucuudiga kaddib Cristiano Ronaldo, hase yeeshee waxa dhinaca kale ay Barcelona ku dedaalaysaa in ay ku qanciso laacibkan in aanu gaadhin waqtigii uu tegi lahaa Sucuudiga oo heerka kubaddiisu aad u hoosayso.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa wadnaha farta ku haysa, waxaanay ka baqayaan in lacag loogu awood sheegto oo laga hor-qaado xiddiga ay u arkaan inuu yahay beddelka Sergio Busquets oo si xor ah uga tegaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

ADVERTISEMENT
Share344Tweet215
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.