Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa wada-hadal la bilowday xiddig ka tirsan Real Madrid oo ay ka afduubanayso Santiago Bernabeu marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, kaas oo waliba ay si bilaash ah kaga qaadan doonaan.
Real Madrid ma doonayso inay lumiso ciyaartoydeeda qandaraasyadoodu dhamaadka yihiin, laakiin Marcelo Asensio oo illaa hadda aan ogolaanin heshiis cusub ayaa la sheegay in ay Barcelona xidhiidh la samaysay, si ay ula soo wareegto dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Asensio ayay shan bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa Santiago Bernabeu, waxaanay saxaafadda Spain sheegaysaa in ay aad u yar tahay fursadda uu heshiis cusub ugu saxeexi karayo kooxdiisa maadaama uu inta badan kaydka ku jiro oo aanu Carlo Ancelotti siinin waqtigii uu filayay laacibkan.
Xiddiga reer Spain ayaa dhowaan beddelay wakiilkiisii Horacio Gagglioli, waxaana hadda uu gacanta ugu jiraa oo wakiil u noqday Jorge Mendes oo xidhiidh fiican la leh Barcelona.
Sida uu qoray wargeyska Sport, Barcelona ayaa xidhiidh la samaysay Jorge Mendes oo ay kala hadashay sidii uu garabka weerarka ee Real Madrid ku iman lahaa Camp Nou xagaaga foodda inagu soo haya, taas oo suurtogalnimadeeduna aad u weyn tahay.
Khamiistii ayuu Marco Asensio sheegay in uu doonayo inuu sii joogo Real Madrid, laakiin aanay isaga ku xidhnayn balse ay tahay in kooxdu la timaaddo wixii ay ku qancin lahayd.
Tan iyo bishii September ayaa la sheegay in uu Marco Asensio filayay inuu heshiis mushahar badan xambaarsan uu ka helo kooxdiisa, balse illaa hadda ma jiro wax dalab heshiis cusub ah oo uu ka helay Los Blancos, taas oo usii dhoweynaysa inuu ka baxo albaabka oo uu si xor ah ugu biiro kooxda uu doonayo.