Waxa u muuqda kuwo weerar dhinaca suuqa ah ku qaadaya Manchester United shanta kooxood ee kala ah Barcelona, Atletico Madrid, Juventus, AC Milan iyo AS Roma oo ka doonaya daafaca midig ee Diogo Dalot.
Dalot ayaa lagu sifayn karaa xiddiga sanadkan horumarka ugu weyn ku sameeyay kooxdaas isaga oo xoraystay booska daafaca midig isla markaana bandhigyo heer sarre ah kasoo sameeyay.
Dalot ayaa sidoo kale usoo dhalaalay xulkiisa Portugal kulankii saaxiibtinimo ee ay guusha 4-0 ah ka gaadheen Czech Republic oo uu laba gool soo dhaliyay.
Qaab ciyaareedkiisa fiican ayaa soo jiitay dhammaan kooxahaas aynu soo xusnay sida uu sheegayo wargeyska Manchester Evening News.
Warbixinta ayaa sheegaysa war ka farxinaya jamaahiirta Man United oo ah in 23 sano jirkaasi uusan rabitaan kale lahayn oo uu doonayo inuu sii joogo mustaqbalkiisana u hibeeyo Red Devils.
Diogo ayaa sanadkii 2018 heshiis 17.4 Milyan pound ah Man United ugaga yimid kooxda FC Porto halka uu xilli ciyaareedkii 2020-21 amaah kusoo joogay AC Milan.
Dalot ayaa mudo dookha labaad u ahaa Aaron Wan-Bissaka balse booska kala baxay tan iyo markii kooxda laga caydhiyay Ole Gunnar Solskjaer.