Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Barca, PSG, Real Mise Premier League? Tartankii Loogu Jiray Mucjisada Brazil Ee Endrick Oo Waji Kale Yeeshay & Cidda Ku Gacan Sarraysa

by Abdiwahab Ahmed
November 27, 2022
0
Barca, PSG, Real Mise Premier League? Tartankii Loogu Jiray Mucjisada Brazil Ee Endrick Oo Waji Kale Yeeshay & Cidda Ku Gacan Sarraysa

Tartankii loogu jiray mucjisada da’da yar ee reer Brazil ee Endrick ayaa waji kale yeeshay, waxaana si toos ah dagaalka usoo galay tababare Xavi Hernandez oo telefoonka  kula xidhiidhay xiddigan iyo waalidkii, si uu ugu qanciyo inay yimaaddaan Barcelona oo uu u sharraxay qorshaha ciyaareed iyo fursadaha uu doonayo inuu siiyo.

ADVERTISEMENT

Endrick oo ay da’diisu tahay 16 jir, isla markaana weerarka uga ciyaara Palmeiras ayaa bishii October saftay ciyaartiisii koowaad ee kooxda  koowaad, waxaanu markiiba isku qoray taariikhda naadigaas oo uu ka noqday laacibkii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya.

Kooxo badan oo Yurub ah ayaa doonaya laacibkan, waxaana horraantii bishan dalab £40 milyan oo Gini ah ka gudbisay PSG oo laga diiday, waxaase illaa hadda socda dedaallo ay kooxaha waaweyn ee Yurub ku kala jiidanayaan.

Tababare Xavi Hernandez oo waraysi siiyey warbaahinta ESPN ayaa shaaciyey inuu la hadlay Endrick, waalidkiisa iyo kooxdiisa Palmeiras intaba, si uu ugu qanciyo inuu da’yarkani yimaaddo Camp Nou, waxaanu yidhi: “Waxa aanu wada-hadalnay aabbaha dhalay Endrick. Waxa kale oo aan si toos ah ula hadlay ciyaartoyga, waxaanan u sharraxay mashruuca Barcelona.

ADVERTISEMENT

“Waxa aanu doonaynaa ciyaartoyda hibada leh, isaguna waa laacib hibo badan oo awood u leh inuu isbeddel sameeyo. Waxa uu leeyahay dhamaystir wanaagsan, goysmo iyo awood uu u leeyahay inuu garoonka isbeddel ka sameeyo. Mar horeba waxa uu noqday ciyaartoy lagtu xisaabtamayo, waxa uu ka dheelayaa horyaalka Brazil, sidoo kalena waa ciyaartoy mustaqbalka ah.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Barcelona oo haysata ciyaartooyo badan oo da’yar ah oo kooxda koowaad boosas joogto ah ka helay, sida Pedri, Gavi, Balde iyo kuwo kale, waxay sidoo kale doonaysaa inay hesho Endrick.

Dhinaca kale, kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ayay dedaal badan ku bixinaysay sidii ay Endrick ugu qancin lahayd inuu yimaaddo Santiago Bernabeu oo uu ka garab ciyaaro Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes, hase yeeshee kooxo kale oo ay ka mid yihiin PSG  iyo Chelsea ayaa iyaguna ku dagaallamaya.

Endrick oo ka ciyaara weerarka ayaa kooxda da’yarta ee Palmeiras u dhaliyey 165 gool kaliya 169 ciyaarood oo uu u saftay, waxaana kooxda koowaad markii loosoo dallacsiiyey uu afar ciyaarood gudahood ugu dhaliyey shan gool.

ADVERTISEMENT
Share308Tweet193
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.