Cristiano Ronaldo ayaa noqonaya tusaale ciyaartoyda dunidu kaga dayan doonaan ciyaarta kubadda cagta, laakiin dhinaca kalena waxa uu u noqon doonaa digniin ay tahay inay ka baaqsadaan in sidiisa oo kale ay niyad-jab la kulmaan dhamaadka cimrigooda.
Ronaldo ayay Manchester United kursiga kaydka ku haysay inta badan xilli ciyaareedkan ka hor intii aanay bishii November burburinin qandaraaskiisa. Waxa usii raacday in tababaraha xulka Portugal uu fadhiisiyey kulamadii wareegga 16ka iyo siddeedda Koobka Adduunka.
37 jirkan ayay madax xanuun u ahaayeen kulamadii Koobka Adduunka oo kaliya uu ka dhaliyey hal gool oo rikoodhe ahaa, waxaana taas uga darana in waqtigiisa ciyaareed la yareeyey oo kaydka la dhigay isaga oo isla-qab weyn oo u haysta inuu yahay kan dunida ugu fiican.
Xiddiga ciyaaraha Farda-fuulka ee Frankie Dettori ayaa markii uu arkay waxa ku dhacaya Cristiano Ronaldo waxa uu go’aansaday inuu iskaga fadhiisto ciyaaraha oo aanu mar dambe ka qayb-gelin baratanka fardaha, waxaana uu sheegay in go’aankiisa uu qaatay markii uu arkay sida uu u bahdilan yahay Ronaldo.
52 jirkan ayaa shaaciyey inuu dhamaadka sannadka 2023 ka fadhiisan doono ciyaaraha baratanka fardaha oo uu kusoo jiray tan iyo sannadkii 1987kii oo uu soo galay isaga oo 16 jir ahaa. Waxa uu guuleystay in ka badan 3000 tartan, isaga oo tiradaas buuxaday sannadkii 2017.
Frankie Dettori oo u dhashay Ingiriiska ayaa waxa uu isku diyaarinayaa saddexda tartan ee ka dhici doona Maraykanka, Saudi Arabia, Dubai iyo UK sannadka foodda inagu soo haya, waxaana kaddib uu macasalaamayn doonaa garoomada.
Mar la weydiiyey sababta uu uga fadhiisanayo waxa uu yidhi: “Waxa aan go’aansaday in aan hawlgabo sannadkan, sababta oo ah ma doonayo inay igu dhacdo sida Ronaldo oo kale. Bal eeg Ronaldo, maalin buu ciyaarayay maalinta xigtana wuu fadhiyayay. Anigu ma doonayo in aan sidaas oo kale ku dhamaysto aniga oo ku dhibaatoonaya tartamada waaweyn. Waqtigan, waxa aan wali haystaa fardo wanaagsan oo aan ku tartamo balse waxa aan go’aansaday in aan hawlgabo.”