Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lagu qasbayaa in ay baadhitaanno ku sameeyaan toban kooxood oo loo haysto dembiyo halis ah, kaas oo la filayo in la bilaabo usbuucyada soo socda kaddib markii xabsiga loo taxaabay bilyaneer u dhashay waddanka China oo lagu haysto fal-dambiyeedyo budhcadnimo, waxaanu ninkani bud-dhig u noqon doonaa baadhitaan sal-ballaadhan.
Xildhibaannada baarlamaanka UK ayaa dalbaday, in baadhitaan lagu sameeyo xidhiidhka ay toban kooxood oo Ingiriis ahi la leeyihiin Avin Chau oo 48 jir ah oo Arbacadii lagu riday xukun 18 sannadood oo xadhig ah, waxaanu ahaa mulkiilaha shirkad dhinca teknoolojiyadda ah oo kooxo badan oo Ingiriis ah ka caawinaysay inay sameeyaan khamaar.
Avin Chau ayaa lagu xidhay magaalada Macau ee waddanka China iyadoo lagu helay 100 dembi oo kala duwan oo ay ku jiraan inuu abaabulay dembiyo, kuna kacay falal khamaar oo sharci-darro ah oo uu ka sameeyey £85.7 bilyan oo Gini.
Shirkadda TGP ayaa la sheegay inuu lug weyn ku lahaa ninkan la xidhay, sida lagu sheegay baadhitaanno ay sameeyeen saxaafadda Ingiriisku, waxaanay shirkaddani tahay mid liisan ka haysatay UK tan iyo sannadkii 2011, isla markaana ay wada-shaqayn leeyihiin toban kooxood oo Premier League ah.
TGP ayaa la sheegay, in ay kooxaha ka caawiso dhismaha sumcaddooda, sare u qaadista saamiyadooda iyo xayaysiisyo ay uga keento shirkadaha kale, waxaanay warrku sheegayaan in kooxaha hore qaybta uga ahaa ay ka mid ahayd Manchester United oo xilli dambe ka xidhiidh furatay.
Wali si dhab ah looma shaacin kooxaha tobanka ah ee baadhitaanka lagu samaynayo, laakiin waxa la rumaysan yahay yahay in ay yihiin naadiyada xayaysiiya 138.com ama garamadooda lagu arko .com, taas oo ka dhigan xayaysiis khamaar.
Illaa hadda kooxaha magacyadoodu dibedde usoo baxeen ayaa waxa ka mid ah Everton, Newcastle United, Leeds United iyo Southampton.
Horyaalka Premier League ayaan wali shaacin waqtiga la bilaabayo baadhitaanka ka dhanka ah tobanka kooxood, waxaase la filayaa in si degdeg ah ay baadheyaal khubaro ku ah khamaarka iyo heshiisyadu ay hawsha u gudo-geli doonaan.