Rajadii Manchester City ee difaacashada horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayay jug weyni soo gaadhay, kaddib markii la xaqiijiyey in xiddig laf-dhabar u ah uu dhaawacmay, isla markaana muddo garoomada ka maqnaan doono.
Man City oo shan dhibcoiod ka hoosaysa Arsenal oo hoggaanka horyaalka haysa ayaa waxa ay waayi doontaa difaaceeda dhexe ee Ruben Dias oo muddo bil ah oo ah waqtiga ugu mashquulka badan ka maqnaan doona garoomada.
25 jirka reerr Portugal ayaa la sheegay in uu dhaawac muruqa ah kasoo gaadhay Koobkii Adduunka, waxaana uu jiifi doonaa muddo afar toddobaad ah oo ka dhigan in aanu kulamada bisha January qayb ka noqon doonin.
Ciiyaartii Switzerland ee wareegga 16ka Koobka Adduunka ayaa uu Dias ku dhaawacmay, waxaase ay dhakhaatiirta iyo tababare Santos sameeyeen qalad weyn oo ah ina ay ciyaarsiiyeen kulankii Morocco ee wareegga siddeedda ee ay ku hadheen.
Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay, in Ruben Dias uu garoomada kusoo laaban doono horraanta bisha February ee sannadka dambe, isla markaana aanu wax fursad ah u heli doonin kulamada jadwalkoodu xidhiidhiga yahay ee January.
Dias oo sannadkii 2021 ku guuleystay xiddiga sannadka ee Premier League ayaa waxa kulamada uu seegi doono ka mid ah Manchester United, Chelsea, Southampton oo Carabao Cup ah iyo ciyaaro kale oo adag.
Pep Guardiola ayaa uu dhaawaca Dias walaac weyn ku hayaa inkasta oo uu haysto John Stones, Aymeric Laporte, Nathan Ake iyo Manuel Akanji oo dhamaantood difaaca dhexe ka ciyaara isla markaana dheelay kulankii Liverpool ee Carabao Cup.
Dias ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda ugu wanaagsan Man City tan iyo sannadkii 2020 oo ay £60 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Benfica, iyadoo 109 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftayna uu ka caawiyey inay laba-jeer oo isku xigta ku guuleystaan horyaalka Premier League.