Chelsea ayaa ka fikiraysa inay u dhaqaaqdo da’yarka daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee sida weyn loo qiimeeyo ee Rafa Marin xilli uu mulkiile Todd Boehly dhisme weyn ka wado Stamford Bridge.
Chelsea ayaa 20 sano jirkaas ree Spain u aragta mid qiimihiisu fiican yahay oo macquul ah, tababarihii hore ee Brighton ayaa qaab xun ku bilawday nolosha cusub ee Chelsea balse wali haysta taageerada mulkiilayaasha.
Rafa Marin ayaan wali kulan tartan ah u ciyaarin kooxda koowaad ee Real Madrid balse da’yarkaas awooda jidh ahaaneed ee weyn leh ayaa durba soo jiitay kuwo badan oo kamida kooxaha waaweyn ee Yurub.
Iyadoo heshiiskiisa Real ee haatan ay kaliya 18 bilood ka hadheen ayuu Marin xagaaga qiimo jaban kaga tagi karaa Los Blancos, wargeyska The Telegraph oo ah midka xogtan qoray ayaa sidoo kale sheegaya in Juventus iyo RB Leipzig xiisaynayaan.
Marin ayaa lagu heli karaa 5 ilaa 10 Milyan oo pound, qiimahaas ayaa noqonaya mid Chelsea uga fiican bartilmaameedyo kale oo qaali ah.
Sidoo kale saxeexa da’yar kale ayaa xoojinaya aragtida tababare Potter ee ah la saxeexashada xiddigo da’yar ah oo kooxda mudo dheer joogaya.
Haddii Los Blancos ay awoodi waayaan inay heshiis cusub ka saxeexdaan ayaa la filayaa inay xagaaga iska iibiyaan halkii ay xagaaga 2024 bilaash ku waayi lahaayeen.
Chelsea ayaa durba suuqan January dhammaysay saxeexyada Benoit Badiashile, Datro Fofana, Andrey Santos, Joao Felix iyo Nkunku oo isagu xagaaga dambe imanaya.