Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa ka cabanaysa tirada kaadhadhka loo qoondeeyey taageereyaasheeda wareegga siddeedda Copa del Rey ee ay Khamiista u tegayaan Real Madrid oo garoonka Santiago Bernabeu ku qaabbili doonta.
Los Rojiblancos ayaa waxay codsatay 4,022 tigidh, balse kooxda martida loo yahay ee Real Madrid ayaa waxa uu u diyaariyey 334 tigidh oo isugu jiraya taageereyaasha kooxdaas u raacaya Santiago Bernabeu iyo masuuliyiinta naadiga.
Kulankan xamaasadda badan oo ay taageereyaasha labada kooxoodba doonayaan inay daawadaan, ayaa waxay Atletico Madrid ka dalbatay Real Madrid in ay siiso 4,022 tigidh, balse kooxda garoonkeeda la joogo ayaa waxay si lama filaan ah ugu wargelisay inay 334 tigidh oo kaliya u hayso.
Horyaalka Spain iyo tartamada kale sida Copa del Rey ayaanu ka jirin sharci u jaan-goynaya tirada tigidhada sida Champions League oo kale, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Real Madrid ay xor u tahay tirada tigidhada ay siinayso Atletico Madrid.
Tababare Diego Simeone ayaanay kooxdiisu haysanin dookh kale oo ay samayn karto, waxaanay ku qasban yihiin inay qaataan 334 tigidh iyaga oo aan ku qanacsanayn.
Wareegga siddeedda Copa del Rey oo hal lug oo kaliya ah ayay Real Madrid fursad u heshay inay taageereyasheeda ku hor ciyaarto, iyada oo dagaal u geli doonta sidii ay ugu gudbi lahaayeen semi-finalka oo isku-aadkiisa la samayn doono horraanta bisha dambe.