Arthur Melo Oo Sameeyey SADDEX Arrimood Oo Ku Kasbanayo Liverpool, Dibna Ugu Soo Ceshanayo Qaab-ciyaareedkiisa

Kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Arthur Melo ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in uu Liverpool u muujiyo, in ay ku saxsanaayeen in ay ka dhigteen saxeexoodii ugu dambeeyey maalintii uu xidhmayey suuqa iibka ee horraantii bishan lasoo gabogabeeyey, waxaana uu qaaday saddex arrimood oo uu ku kasbanayo tababare Jurgen Klopp.

Arthur Melo oo Liverpool ay amaah sannad ahkaga soo qaadatay Juventus, ayaa beddel kusoo galay ciyaartii ay Napoli 4-1 ku garaacday Liverpool horraantii bishan, waxaase uu Jurgen Klopp go’aansaday in aanu ciyaarsiinin kulankii xigay ee Ajax oo uu kursiga kaydka ku dhamaystay.

26 jirkan oo ay ragaadiyeen dhaawacyo tiro badan oo muruqyada iyo kuraanta kasoo gaadhay intii uu joogay Juventus oo sannadkii 2020 uu kaga soo biiray Barcelona iyadoo aad loogu tixgelinayey inuu ka mid yahay kubbad-sameeyeyaasha ugu wanaagsan, ayaa waxa uu hadda ka shaqaynayaa sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa qaab-ciyaaareedkiisa.

Advertisements

Waxa uu shaqaaleeyey dhakhtar u gaar ah oo kaliya ka shaqeeya sidii uu taam u ahaan lahaa iyo khabiir dhinaca cuntada ah oo hela qaaciidada cuntooyinka jidhkiisa caawinaya, si uu uga badbaado dhaawacyada oo ay muruqyadiisu u xoogganaadaan iyaga oo yeelanaya xammil culayska iyo dhaawacyada ah. Waxa kale oo uu Arthur Melo u yeedhay tababare jimicsi oo isaga u gaar ah oo ka caawiya inuu dhiso jidhkiisa si dhaawacyadu u daayaan.

Sida uu qoray wargeyska The Times, nafaqeeyaha ayaa uu Arthur Melo ugu yeedhay Joana Pessoa Dell’Oro, halka dhakhtarkiisa dhinaca muruqyaduna uu yahay Adrian Martinez Castro iyo tababarihiisa khaaska ah oo noqday Deniel Esteban Labarca Encina oo dhamaantood Anfield jooga si ay isaga u caawiyaan.

Toddobaadkan ayuu ciyaartiisii koowaad 90 daqiiqadood u ciyaaray Liverpool kulan kooxda da’yarta ah la dheelaysay Rochdale, taas oo uu si dhibaato la’aan ah u dhamaystay iyadoo uu waliba xirfadlenimo iyo dedaal badan muujinayay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada