Arsene Wenger ayaa saadaal ka bixiyey xulka waddanka ku guuleysanaya Koobka Adduunka ee ay isaga la tahay inuu u dabbaal-degi doono sannadkan koobka ugu qaalisan adduunyada.
Dalalka ay ka mid yihiin Argentina, Brazil, Argentina, France iyo England ayaa aad loo hadal hayaa in midkood ku guuleysan doono Koobka Adduunka, hase yeeshee Arsene Wenger waxa uu rumaysan yahay inuu jiro waddan awooddiisa ay diciifiyeen dhaawacyo oo ku guuleysan doona.
Xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee Faransiiska oo sannadkii 2018 ku guuleystay, ayuu Arsene Wenger u saadaaliyey inay difaacan doonaan oo ay ku guuleysan doonaan markii labaad oo xidhiidh ah, inkasta oo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin Karim Benzema, Paul Pogba, N’Golo Kante iyo Christopher Nkunku.
Faransiiska oo Group D kula jira Austalia, Tunisia iyo Denmark, ayaa isaga oo Wenger sharraxaya sababta uu ugu malaynayo inay ku guuleysanayaan Koobka Adduunka, waxa uu yidhi: “Waddanka koowaad ee ay ila tahay inuu ku guuleysanayo waa France. Sababtu ma aha in aan anigu u dhashay Faransiiska, laakiin weerarka wanaagsan ee ay haystaan.
“Haddii uu Didier Deschamps xaqiijiyo dheelitirnaanta iyo xasilloonida lagama maarmaanka ah ee difaaca, waxay heli doonaan fursad fiican oo ay ku difaacdaan Koobka.”
Waxa kale oo uu Arsene Wenger sheegay in ay jiraan dalal kale oo Faransiiska kula tartamaya Koobka oo iyaguna awood ahaan dhisan, sida Brazil, Argentina iyo Spain, isaga oo xulka England amaan u jeediyey xiddigaha da’da yar ee ay ka mid yihiin Jude Bellingham, Phil Foden, Mason Mount, Bukayo Saka iyo Marcus Rashford.
Xulka qaranka Spain ayaa uu iyagna soo qaatay xiddigaha da’yarta u badan ee ay haystaan, sida Pedri iyo Gavi oo uu sheegay inay qabtaan shaqooyin hal-abuur iyo difaac iskugu jira.