Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Arsenal, Wixii Uu Qabanayay Koobkii Aduunkaa & Erling Haaland Oo Ka Hadlay Kulankii Leeds Ee Xalay

by Apdihakem Omer Adam
December 29, 2022
0
Arsenal, Wixii Uu Qabanayay Koobkii Aduunkaa & Erling Haaland Oo Ka Hadlay Kulankii Leeds Ee Xalay

Erling Haaland ayaa xalay laba gool ka dhaliyay kooxda Leeds United oo ay 3-1 kaga soo guuleysteen xilli uu noqday ciyaartoygii ugu dhakhsaha badnaa ee 20 gool Premier League gaadha abid.

ADVERTISEMENT

Kulanka kaddib ayuu Erling ka hadlay wax badan sida kooxda hoggaanka shanta dhibcood kaga haysa ee Arsenal oo ay caydhsanayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay wixii uu qaban jiray intii Koobka aduunka ee uu ka maqnaa xulkiisa Norway socday iyo sida uu uga cadhooday waxyaabaha qaar ka dhacay.

Haaland ayaa ugu horreynba sheegay inuu aad goolal ugu gaajaysan yahay isla markaana ay ahayd inuu ugu yaraan shan gool ka dhaliyo kulankii Leeds ee xalay.

ADVERTISEMENT

Arsenal ayuu sheegay inay tahay kooxda ay ugaadhsanayaan halka uu xusay inuu gurigiisa kulamada ku daadihin jiray walow aysan cidina dhagaysan jirin intii Koobka aduunku socday.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

22 sano jirkaas ayaa waxa ka cadhaysiiyay ku tilmaamay inuu Koobka aduunka ku daawanayay dad goolal dhalinaya oo kaddib guulaysanaya.

22 sano jirkaas oo Amazon Prime la hadlayay ayaa yidhi “Asxaabtayda waxaan u sheegay inaan shan gool dhalin karayay taasina waa xaqiiqada. Guushaasi ayaa ah waxa ugu muhiimsan, Arsenal ayaa hoggaanka haysa waana inaanu ugaadhsanaa”.

“Waxaan fadhiyay fadhiga gurigayga anigoo waxyar ka cadhaysan in aanan Koobka aduunka ciyaarayn, gurigayga ayaan daadihiyaha kulanka ka ahaa balse cidna ima dhagaysanayn”.

“Dib ayaan isku soo xoojiyay inaan arkay dad kale oo goolal ka dhalinaya kulamana guuleysanaya koobka aduunka way i dhiirigelisay wayna iga cadhaysiisay, aad ayaan u gaajaysanahay”.

ADVERTISEMENT

Leeds United 1-3 Man City: Haaland reaches 20 PL goals as Guardiola's men  ease to win at Elland Road

Share343Tweet214
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.