Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Arsenal Oo TODDOBA Dhibcood Oo Nadiif Ah Ku Qabatay Hoggaanka Horyaalka Premier League, Dagaalkii Brighton Ee Xilliga Dambe Iyo Rikoodhka Cajiibka Ah Ee Bukayo Saka

by Abdiwahab Ahmed
December 31, 2022
0
Arsenal Oo TODDOBA Dhibcood Oo Nadiif Ah Ku Qabatay Hoggaanka Horyaalka Premier League, Dagaalkii Brighton Ee Xilliga Dambe Iyo Rikoodhka Cajiibka Ah Ee Bukayo Saka

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa toddoba dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay 4-2 kusoo karbaashtay Brighton oo ay ku booqatay garoonkeeda Amex Stadium.

ADVERTISEMENT

Afar gool oo ay kala dhaliyeen afar ciyaartoy oo kala duwan ayaa Arsenal u go’aamiyey guul ay aad ugu baahnayd oo ay kaga baxsatay Manchester City oo kaalinta labaad fadhida oo maanta barbarro la gashay Everton, waxaanay Gunners hadda hoggaanka ku haysaa toddoba dhibcood oo nadiif ah.

Saka

Bukayo Saka ayaa isku darsaday gool degdeg ah iyo rikoodh qariib ah oo loo diiwaangeliyey markii uu hoggaanka kooxdiisa u dhiibay ciyaarta oo 66 ilbidhiqsi oo kaliya socota, waxaana uu noqday ciyaartoygii labaad ee goolka ugu degdegga badan u dhaliya Arsenal oo marti ah.

ADVERTISEMENT

2013 – After just 66 seconds, Bukayo Saka has scored Arsenal's earliest away goal in the Premier League since May 2013, when Theo Walcott netted after just 20 seconds against QPR. Lightning. pic.twitter.com/6CQSthiK2n

— OptaJoe (@OptaJoe) December 31, 2022

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Kubbad uu Martin Odegaard kusoo garaacay Lamptey ayaa waxa uu u dhiibay Partey oo isaguna toogtay balse waxay u tagtay Bukayo Saka oo dhamaystiray, waxaanay Arsenal hoggaanka qabatay iyadoo daqiiqaddii labaad ee ciyaartu bilow ah.

Arsenal ayaa muujisay ciyaar qaangaadh ah oo isku xidhan difaac, khadka dhexe illaa weerarka, iyaga oo iska caabbiyey khataro badan oo kaga imanayay Brighton oo afkeeda hore iyo dhaxdeeduba si adag u shaqaynayeen, laakiin Gunners ay ku dishay inay ka faa’iidaynaysay fursadaha ay hesho.

Gabriel Martinelli iyo Nketiah ayaa  laga badbaadiyey fursado goolal noqon karayay ka hor intii aanu Martin Odegaard hoggaanka usii dheeraynin Arsenal ee aanu goolka labaad u keenin.

Koorneuu soo laaday Bukayo Saka ayaa waxa iska difaacay Sanchez hase yeeshee madaxii Gilmour ayaa dhaafi waayey laynka xerada ganaaxa, waxaana halkaas ka helay Martin odegaard oo darbad xooggan oo fooli ah ku qabtay, sidaasna shabaqa  ugu hubsaday iyadoo dersin ciyaartooyo ah ay ku urursan yihiin xerada ganaaxa.

ADVERTISEMENT

45kii daqiiqadood ee hore ayaa waxay ku dhamaatay iyadoo Arsenal dabbaal-degyo ku jirta isla markaana Brighton ku dhibaatoonaysa sidii ay u jabin lahayd difaaca Arsenal oo u babbac-dhigay gantaallo ay la dhacayeen Leandro Trossard iyo Kaoru Mitoma.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Arsenal la timid gool saddexaad oo degdeg ah oo uu u dhaliyey Nketiah, waxaana daqiiqaddii 47aad uu lugta geliyey kubbad kasoo boodday goolhaye Robert Sanchez oo uu shabaqa ku hubsaday.

Nketiah 1

Goolkan ayaa waxa qaladkiisa iska lahaa goolhaye Robert Sanchez oo kubbad uu kusoo laaday Gabriel Martinelli ay ka boodday, sidaasna uu kaga faa’iidaystay Nketiah.

Intaa wixii ka dambeeyey kubadda waxa la wareegtay Brighton & Hove Albion, halka Arsenal ay isku ururisay difaaca sidoo kalena ay adeegsanaysay weerar rogaal-celis degdeg ah.

Odegaard 1

Daqiiqaddii 66aad ayuu xiddiga reer Japan ee Kaoru Mitoma uu gool soo nooleeyey u dhaliyey Brighton. Kubbad uu dhinaca bidix kala yimid ayuu dhinaca midig toogtay, waxaana gaadhi waayey Aaron  Ramsdale, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 3-1.

Gabriel Martinelli ayaa lix daqiiqadood kaga jawaabay, waxaana kubbad uu meel fog uga soo tuuray uu kala cararay badhtamaha garoonka, waxaana uu weydaariyey goolhaye Sanchez oo ay u ahayd habeen xun oo shabaqiisa afar gool taabteen.

Brighton ayaa culayska sii kodhisay, waxaanay la yimaaddeen gool labaad oo uu u dhaliyey Ferguson, iyadoo sidoo kalena gool kale laga diiday markii Mitoma oo shabaqa soo taabtay lagu qaaday offside laga soo hubiyey VAR.

Ars

20kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta ayaa dhibaato badan ku ahaa Arsenal, waxaana ku socday weerar aan kala joogsi lahayn iyadoo goolhaye Ramsdale uu dhawr jeer badbaadiyey kubbdo halis ahaa, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday Arsenal.

Arsenal ayaa waxay hoggaanka horyaalka ku qabatay 43 dhibcood halka Manchester City oo kaalinta labaad ku jirtaana ay 36 dhibcood.

Share389Tweet243
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.