Arsenal ayaa taako kala kulantay kooxda ugu difaaca fiican xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League ee Newcastle United iyagoo ku hishiiyay barbaro goolal la’aan ah.
Gunners ayaa heshay qeybtii labaad fursado dhowr ah oo gool loo fishay laakiin waxaa iska difaacday Newcastle. Gunners ayaa rigoore laga diiday waqtigii dhimashada ciyaarta ka dib kubad gacanta uga dhacday daafaca Newcastle ah iyadoo VAR ay xukmisay inuusan daafaca u sameynin si ku talo gal ah.
Arsenal waxay haatan hogaanka Premier League ku heysaa 8 dhibcood inkastoo farqigaas uu noqon karo shan dhibcood haddii Man City ay ka badiso Chelsea.
Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh iyagoo kubada ka qabsaday Newcastle islamarkaana ku qasbay inay difaac galaan. Bukayo Saka ayaa xitaa u dhawaaday inuu Arsenal hogaanka u dhiibo daqiiqadihii ugu horeeyay ciyaarta.
Laakiin fursadaas ka dib Newcastle ayaa awood u yeelatay inay kubada la qeybsato Arsenal inkastoo weerarka Newcastle uu ahaa mid aan shaqeyneynin.
Tababare Eddie Howe ayaana ku faraxsanaa inaan goolal laga dhalinin kooxdiisa bilowgii ciyaarta iyadoo Joelinton uu fursad halis aheyd ka qasaariyay Newcastle dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta.
Bilowgii qeybta labaad Newcastle ayaa carcar ku bilaabatay iyagoo helay fursado deg deg ah oo mid ka mid ah ay aheyd kubad madax ah oo ku dhacday shabaqa korkiisa.
Arsenal ayaase durbadiiba qaboojisay weerarka Newcastle iyadoo Odegaard uu qasaariyay fursad fiican oo ay soo dhiseen Odegaard iyo Zinchenko.
Daqiiqado ka dib goolhaye Pope ayaa laad xor ah oo ka yimid Odegaard feer ku soo bixiyay halka ZInchenko uu qasaariyay kubadii ku celiska aheyd.
Daqiiqadii 79aad Arsenal ayaa qarka u fuushay inay hogaanka u qabato ciyaarta ka dib markii kubad uu soo dhigay uu madaxeeyay Martinelli laakiin waxay goolka ku hareermartay si ciriiri ah.
Daqiiqadii 88aad Arsenal ayaa mar kale heshay fursad gool loo dishay markii Odegaard uu quudiyay Nketiah kaasoo darbadiisa uu si fantastik ah u badbaadiyay goolhaye Pope.
Arsenal ayaa rigoore laga diiday dhamaadkii ciyaarta ka dib markii uu daafaca Newcastle gacanta ku taabtay darbo ka timid Martinelli laakiin VAR ayaa go’aamisay inaysan rigoore aheyn madaama daafaca uusan ugu qasdin inuu darbada gacan ku celiyo.
Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo Arsenal ay isku dayday wax walba qeybtii labaad laakiin waa ay awoodi waayeen inay shabaqa ka soo taabtay Newcastle oo heysata rikoodhka daafaca ugu fiican horyaalka xilli ciyaareedkan.