Arsenal ayaa Newcastle United kaga hormartay saxeexa daafaca midig ee kooxda Real Valladolid ee Ivan Fresneda, hore ayay Newcastle wadahadalo ula yeelatay da’yarkaas balse kooxda ree London ayaa haatan u muuqata mid ku gacan sarreysa.
Wakiilada Fresneda ayaa la filayaa inay toddobaadka dambe markale u duulaan England si ay wadahadal uga galaan mustaqbalka daafacooda oo 8.8 Milyan pound lagu iibsan karo.
Real Madrid ayaa sidoo kale mudo isha ku haysay saxeexa Fresneda oo marka hore kuliyadeeda da’yarta kamid ahaa.
Haddii uu Fresneda ku biiro Arsenal ayuu heshiiskani fududayn karaa in daafaca midig ee Cedric Soares ka tago Gunners oo u wareego Fulham oo mudo doonaysay.
Arsenal ayaa u muuqata mid maalmahan ugu dambeeyay si weyn uga adeegatay suuqa, Leandro Trossard ayaa ugu horreynba kaga soo biiray Brighton isagoo 27 Milyan oo pound ku yimid.
Arsenal ayaa sidoo kale ku dhaw saxeexa daafaca dhexe ee Polish-ka ah ee Jakub Kiwior oo 20 Milyan oo pound ugaga imanaya Spezia.
Sidoo kale Mikel Arteta ayaa doonaya inuu khadka dhexe kasoo xoojiyo kooxdiisa waxaana bartilmaameed u ah Eduardo Camavinga oo Real Madrid ka tirsan.