Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa laga saaray liiska naadiyada ku tartamaya horyaalka Premier League ee ay hoggaankiisa hayaan, kaas oo waliba ay toddoba dhibcood ka sare mareen naadiga kusoo xiga ee Newcastle United kaddib markii ay xalay 3-1 ku garaaceen West Ham United.
Arsenal ayaa qaybtii hore lagala hormaray gool riikoodhe ahaa oo uu ka dhaliyey Said Benrahma hase yeeshee saddex gool oo 15 daqiiqadood ah ayay is-raaciyeen Bukayo Saka, Gabriel Martinelli iyo Eddie Nketiah qaybtii dambe, sidaas ayaanay saddexda dhibcood ku xoogeen.
Gunners ayaa toddoba dhibcood ka horreysa Newcastle United oo labaad soo cidhiidhsatay shalay, laakiin Man City oo Arbacada la ciyaaraysa Leeds United ayaa haddii ay guuleysato soo yarayn doonta farqiga dhibcaha.
Kaddib guushii xalay, Arsenal ayaa si lama filaan ah looga saaray liiska naadiyada ku tartamaya horyaalka Premier League, iyadoo tababaraha West Ham United ee David Moyes uu sheegay in aanay Arsenal ku guuleysan doonin horyaalka ay hoggaankiisa hayaan.
David Moyes oo saxaafadda la hadlayay ayaa yidhi: “Miyey horyaalka ku guuleysanayaan sannadkan? Maya, ma hubo. Waxay ilaa tahay in aanay ku guuleysan doonin, Man City ayaana qaadi doonta, hoos ayaanay Arsenal u dhici doontaa.”
Intaas kaddib waxa uu qiray in Arsenal ay tahay koox wanaagsan, waxaanu yidhi: “Waxay haystaan koox wanaagsan, balse waxa jira naadiyo kale oo iyaga ka fiican oo dhaafi doona, sida Liverpool oo dib usoo kici doonta.
“Ma odhanayo Mikel Arteta awood uma laha inuu dhiso koox horyaalka ku guuleysanaysa, laakiin waxay ila tahay in Man City ay qaadi doonto.”