Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis cusub ka saxeexayso xiddig laf-dhabar u ah, kaas oo laba-jibbaar looga dhigayo mushaharkiisa si loogu abaal-mariyo bandhigga heerka sare ah ee uu ka samaynayo garoomada xilli ciyaareedkan.
Xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard ayaa wacdaro ka dhigaya garoomada fasalkan, waxaana 22 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay uu dhaliyey toddoba gool iyo shan kale oo uu caawiye ka noqday.
24 jirkan oo la isku raacsan yahay inuu shaqada ugu badan ka qabtay guulaha kooxdiisa ee suurtogeliyey inay hoggaanka horyaalka Premier League shan dhibcood ku qabtaan, isla markaana 17 kulan ay guuleystaan 14 ka mid ah, laba barbarro ah iyo mid kaliya oo laga badiyey ayay Gunners u bandhigaysaa heshiis cusub.
Hoggaaminta uu laacibkani la yimid markii loo magacaabay kabtanka Arsenal, tamartiisa aan dhamaadka lahayn iyo hal-abuurkiisa ayaa la sheegay in ay Arsenal go’aansatay inay ku abaal-mariso, isla markaana siiso heshiis cusub oo si weyn sare ugu qaadaya mushaharkiisa.
Xiddigan hore ee Real Madrid ayaa mushahar u qaata £5.3 milyan sannadkii, waxaana heshiiska cusub ee ay kooxdu u bandhigtay uu mushaharkiisa gaadhsiinayaa £8.8 milyan oo Gini sannadkii.
Agaasimaha ciyaaraha Arsenal ee Edu ayaa waxa uu sidoo kale heshiisyo waqti dheer ah ka saxeexayaa xiddigaha muhiimka ah ee da’doodu yar tahay ee Bukayo Saka, Gabriel Martinelli iyo William Saliba.
Martin Odegaard ayay Arsenal xilli ciyaareedkii 2020-21 amaah kaga soo qaadatay Real Madrid ka hor intii aanay £30 milyan oo Gini si rasmi ah ugu iibsan xagaagii 2021.