Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Arsenal Oo La Kulmaysa Newcastle Oo Ay Dhaawacyo Diciifiyeen & Magacyada SHAN Ciyaartoy Ee Ka Maqan

by Abdiwahab Ahmed
January 2, 2023
1
Arsenal Oo La Kulmaysa Newcastle Oo Ay Dhaawacyo Diciifiyeen & Magacyada SHAN Ciyaartoy Ee Ka Maqan

Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayay shan ciyaartoy oo muhiim ahi ka maqnaan d oonaan kulanka berri ay ku martigelin doonaan Arsenal, waxaanay taasi fursad u noqon doontaa Mikel Arteta oo kooxdiisu ay toddoba dhibcood ku hoggaaminayso horyaalka Premier League.

ADVERTISEMENT

Eddie Howe ayaa daboolka  ka qaaday kaddib ciyaaartii barbarraha  goolal la’aanta ay la galeen Leeds United maalintii s annadka cusub, in Matt Targett uu ku biiray liiska ciyaartoyda ka dhaawacan kooxdiisa.

Targett oo uga soo wareegay Aston Villa ayaa garoomada ka  maqnaan doona muddo toddobaadyo ah iyadoo dhaawacu kasoo gaadhay cidihbta, waxaana Howe ooka hadlayay uu yidhi: “Matt Targett waxay dhibato kasoo gaadhay cidhibta. Waxa uu xanuun ka dareemayay muddo bilo ah, laakiin hadda waxa la gaadhay meel ay xanuun ku keento. Marka aan leeyahay dhawr bilood, waxa aan sidoo kale ku darayaa waqtigii fasaxa.”

27 jirkan oo muhiim u ahaa Newcastle United ayaa waxa kasii horreeyey oo dhaawacmay Jonjo Shelvey oo isagana la xaqiijiyey inuu lix toddobaad u jiifayo dhaawac muruqa ah. Laacibkan hore ee Liverpool ayaa lagu sameeyey qalliin oo muddo jiifi doona.

Dhinaca kale, waxa Newcaslte United ka dhaawacan saxeexooda ugu qaalisan ee Alexander Isak oo ay xagaagii kasoo iibsadeen Real Sociedad, waxaana uu garoomada ka maqnaa tan iyo bishii September, hase yeeshee bishan January ayaa la filayaa inuu soo laabto.

Labada ciyaartoy ee Emil Krafth iyo Paul Dummett ayaa iyaguna aan qayb ka noqon doonin safarka ay Newcastle United ugu tegayso Arsenal.

Shantan ciyaartoy ee ka dhaawacan Newcastle, waxay fursad siinayaan Arsenal oo hal kulan oo kaliya laga badiyey xilli ciyaareedkan socda, isla markaana toddoba dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka Premier League.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023
Share470Tweet294
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Comments 1

  1. farxaan ahmed says:
    4 weeks ago

    Wuxuba waa binch aad iso qorqyso m Arsenal nacayb ayay ka thy wxan inad marmarsiiyo k dhigto la cala ay arsenal Badiso😂😂

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.