Kooxda Arsenal ayaa dooneysa in Shakhtar Donetsk ay qiimo macquul ah duldhigto xiddiga ay sida weyn u doonayaan ee Mykhailo Mudryk.
Waxayna farta ku fiiqayaan hishiiska ay Liverpool kula soo wareegtay Cody Gakpo oo ay ka soo bixiyeen kaliya 37 milyan ginni inkastoo 13 milyan ay ku xirnaan doonto qaab ciyaareedkiisa.
Shakhtar ayaa durbaba soo diiday dalabkii Arsenal ee 35ta milyan ginni ee kaashka ahaa iyo 17.5 milyan ginni oo ku xirnaan lahaa qaab ciyaareedka laacibkaan.
Kooxda reer Ukriane ayaan wax dabacsanaan ah ka muujinin inay ka soo degaan lacagta ay duldhigeen Mudryk oo gaareysa 85 milyan ginni.
Arsenal waxay aaminsan tahay in qiimahaas uusan aheyn mid macquul ah oo laga bixin karo 21 jirkaan garabka ka ciyaara oo kaliya 18 bilood ka dheelay horyaalka Ukraine.
Inkastoo Arsenal ay farta ku fiiqeyso in Liverpool ay lacag ka yar inta ay iyagu ku dalbadeen Mudryk ay ku soo iibsadeen Cody Gakpo hadana agaasimaha Shakhtar Darijo Srna ayaa ku doodaya in Mudryk uu la mid yahay weeraryahanka Man United Antony kaasoo xagaagii looga soo iibsaday Ajax 85.5 milyan ginni.
Waxa uu xitaa soo hadal qaaday lacagta rikoodhka 100ka milyan ginni ee ay Manchester City ku iibsatay Jack Grealish.
Arsenal ayaa haatan dooneysa inay hishiis meel dhexe ah la gaarto Shakhtar iyagoo u gudbinaya dalab kale oo 45 milyan ginni kaash ah iyo 15 milyan ginni oo ku xirnaan doonta qaab ciyaareedka ciyaaryahanka.