Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis la gaadhay xiddig ay kasoo qaadanayso horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo uu tababare Mikel Arteta u doortay inuu ku xoojiyo kooxdiisa, si ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League ee ay shanta dhibcood ku hoggaaminayaan.
Arsenal ayaa hore ula saxeexatay xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard, waxaana sidoo kale ku sugan magaalada London oo maanta la filayaa inuu tijaabada caafimaadka gudbo, sidoo kalena heshiiska si rasmi ah u saxeexo difaaca reer Poland ee Jakub Kiwior.
Intaas oo kaliya kuma eka Arsenal, waxaanay maalmihii ugu dambeeyey waqti ku bixinayeen sidii ay Real Madrid uga soo qaadan lahaayeen laacibka khadka dhexe ee Edouardo Camavinga iyo difaaca midig ee kooxda Real Valladolid ee Ivan Fresneda.
Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Arsenal ayaa waxay ku guuleysatay saxeexa difaaca midig ee Ivan Fresneda oo ay ka hor qaadday Borussia Dortmund, waxaanay Gunners bixinaysaa €15 milyan oo Euro.
Arsenal ayaa waxay u ogolaatay Real Valladolid in ay illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka sii haysato Ivan Fresneda, waxaanu London u duuli doonaa xagaaga oo uu la midoobo doono ciyaartoyda kooxdiisa cusub.
Saxeexa Ivan Fresneda ayaa imanaya iyadoo garoonka Emirates Stadium uu Axaddii ku sugnaa Jakub Kiwior oo ay £17.5 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Spezia oo maanta si rasmi ah loogu dhawaaqi doono heshiiskiisa.
Dhinaca kale, Arsenal ayaa la sheegay inay doonyso xiddiga khadkak dhexe uga ciyaara Real Sociedad ee Martin Zubimendi oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo €60 milyan oo Euro, balse waxay caqabad kala kulmayaan laacibkan oo doonaya inuu sii joogo Spain illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan socda.