Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain, Arsenal ayaa hoggaaminaysa tartanka shan kooxood oo doonaya saxeexa garabka Atletico Madrid ee Joao Felix walow wakiilkiisa Jorge Mendes si lama filaan ah ugu riixayo kooxda Aston Villa.
Madaxa fulinta Atletico ee Miguel Angel Gil ayaa toddobadkii hore qirtay in Felix doonayo inuu ka tago kooxdooda isla markaana ay dhagaysan doonaan dalabaadka laga soo gudbiyo xiddiga 126-ka Milyan ee euro ugu fadhiya.
Dhinaciisa wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in wakiil Mendes oo xidhiidh wanaagsan la lehi Felix la doonayo Aston Villa, Mendes ayaa hore Aston Villa uga caawiyay inay hesho tababare Unai Emery kaddib caydhintii Steven Gerrard.
The Athletic ayaa sheegaya in Felix uu kaga haboonaan karo heshiis uu Arsenal ugu wareego gaar ahaan kaddib baahida weerar ee Gunners oo Gabriel Jesus ka dhaawacmay.
Koox kasta oo saxeexa Joao doonaysa ayay qasab tahay inay lacag badan bixiso sababtoo ah heshiiska uu Rojiblancos kula joogo oo ilaa 2026 gaadhsiisan.
Felix ayaa xilli ciyaareedkan badi keyd ahaa iyadoo tababare Diego Simeone uu xulanayay xiddigo kale oo weerarka ah.
Dad badan ayaa qaba in Simeone iyo hab ciyaareedkiisa difaaca ku salaysani yihiin kuwa dilaya inuu hibadiisa muujiyo Felix.