Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Arsenal Oo Doonaysa Xiddiga Barcelona Ee Sannadku Ugu Buuxsamayo Camp Nou

by Abdiwahab Ahmed
December 22, 2022
0
Arsenal Oo Doonaysa Xiddiga Barcelona Ee Sannadku Ugu Buuxsamayo Camp Nou

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-samaan fiican ka qabta in bisha January ay la saxeexan doonto weeraryahanka Barcelona sannadkiisii koowaad ugu buuxsamayo ee Ferran Torres, kaas oo uu tababare Mikel Arteta doonayo inuu dib ugu soo celiyo horyaalka Premier League.

ADVERTISEMENT

Xiddiga reer Spain ayay Barcelona 55 milyan oo Euro kaga soo iibsatay  Manchester City bishii January ee horraantii sannadkan, waxaase uu u dhacay kaydka kooxda iyadoo laga doorbiday Robert Lewandowski, Raphinha iyo xataa Ansu Fati, halka dhinaca kalena ay u xidhan tahay Ousmane Dembele.

Lix kulan oo kaliya oo horyaalka ah iyo hal kulan oo Champions League ah ayuu Ferran Torres u saftay Barcelona xilli ciyaareedkan, halka fasalkii horena uu 18 ciyaarood oo uu dheelay uu u dhaliyey shan gool, taas oo aad uga hoosaysa waxa uu Xavi Hernandez ka doonayo ciyaartoydiisa afka hore.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Dean Jones, tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa doonaya inuu la saxeexdo Ferran Torres si uu u hoggaamiyo afka hore ee weerarka kooxdiisa kaddib dhaawacii sababay qalliinka ee soo gaadhay Gabriel Jesus oo muddo saddex bilood ah garoomada ka maqnaan doona.

ADVERTISEMENT

Torres ayaa uu Arteta u arkaa xalka  ugu habboon ee dhibaatada afka hore ee kooxdiisa maadaama uu hore uga soo dheelay horyaalka Premier League oo 43 ciyaarood oo uu u saftay Man  City uu u dhaliyey 16 gool, sidoo kalena ay hadhow iska garab ciyaari karaan Gabriel Jesus sidii Man City oo kale.

Sidoo Kale Akhri

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023
“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

January 28, 2023
ADVERTISEMENT
Share333Tweet208
ADVERTISEMENT

Related Posts

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay mustaqbalka kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard iyo sida uu horyaalka La...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.