Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la sheegay inay dalab ka gudbisay xiddiga reer France ee Karim Benzema oo ay doonayso inay la saxeexato xagaaga oo ay waliba si bilaash ah ugala soo wareegto Reao Madrid, maadaama qandaraaskiisu uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Real Madrid ayaa la fiilayaa inay qandaraas cusub ka saxeexdo kabtankeeda mana muuqato saansaan muujinaysa in uu laacibkani doonayo inuu ka tago Santiago Bernabeu, hase yeeshee Arsenal oo muddo dheer danaynaysay Karim Benzema ayaa rumaysan in wax walba ay ka dhici karayaan kubadda cagta.
Benzema oo sannadkii 2009 ay Real Mdrid kala soo wareegtay Lyon ayaa waxay waqtigaas ka hor qaadday kooxo ay ka mid yihiin Arsenal iyo Manchester United oo si weyn u doonayay, hase yeeshee Arsenal ayaan wali ka quusanin waxaana 14 sannadood kaddib ay doonayaan in ay la saxeexdaan Karim oo uu si weyn u taageeri jiray tababare Arsene Wenger.
Arsenal oo uu ka dhaawacmay Gabriel Jesus ayaa waxay raadinaysaa weeraryahan cusub, balse xaqiiqada ayaa waxay tahay in bisha January aanay wax fursad ah u haysanin Karim Benzema oo ay ka go’an tahay inuu sii joogo kooxda uu ku qaaday abaal-marinta Ballon d’Or eeReal Madrid.
Mikel Arteta oo hore kooxdiisa uga caydhiyey Pierre-Emerick Aubameyang iyo Mesut Ozil, sidoo kalena ka gaabiyey inuu Alexandre Lacazette ku qanciyo inuu inuu sii joogo kooxda ayaan la ogeyn dariiqa uu doonayo inuu u maro saxeexa Karim Benzema.