Taageereyaasha Arsenal ayaa ka naxay dhaawacii xalay soo gaadhay xiddigooda Bukayo Saka oo laga saaraya kulankii Oxford United ee wareegga saddexaad ee FA Cup, taas oo iyaga oo 3-0 ku adkaaday ay haddana waayeen Saka.
Daqiiqaddii 75aad ayaa garoonka laga saaray Bukayo Saka wati kooban oo ay dhakhaatiirtu ku daawaynayeen garoonka dhaxdiisa, waxaana beddelay Emile Smith Rowe oo kasoo laabtay dhaawac waqti dheer ah.
Jamaahiirta kooxda ayaa isku raacsan in uu tababare Mikel Arteta sameeyey qalad markii uu Saka kusoo bilaabay ciyaaar ay u arkaan in aanay muhiim ahayn oo ay ciyaari karayeen xiddigaha da’yarta naadigu, maadaama ay kooxdu u dagaallamayso horyaalka Premier League oo ay waliba hoggaaminayaan.
Arsenal oo wareegga afraad ay isku dhaceen Manchester City, ayaa waxa walaaca ay qabaan taageereyaashu hoos u dhigay tababare Mikel Arteta oo sheegay in inkasta oo aan wali lagu samaynin baadhitaan ay haddana rumaysan yihiin in aanu khatar badan ahayn oo uu si degdeg ah usoo laaban doono.
Si kastaba, dhaawaca Bukayo Saka ayaa imanaya iyadoo Arsenal uu muddo saddex bilood ah ka maqnaanayo weeraryahanka Brazil ee Gabriel Jesus, waxaanay taasi keenaysaa in uu Arteta dardar geliyo cadaadiska uu kooxda ku saarayo inaya keenaan weeraryahan kale.